Xukuumadda Oo Sida Fiinta Uga Qaylisay Dhaliilihii Cabdiraxmaan Cabdiqaadir

0
715

Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa u muuqata inay ka damqatay dhaliilihii iyo eedaymihii musuqmaasuq iyo maamul xumo ee ay u jeediyeen ku simaha guddoomiyaha KULMIYE ahna guddoomiye-xigeenka xisbiga M d. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax iyo Maxamuud Raage Ibrahim oo iska casilay xilka agaasimaha arrimaha dibadda.

Ugu horayn waxa shalay laba shirjaraa’id oo kala duwan qabtay masuuliyiin ka kala tirsan xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE, kuwaas oo ay ujeedadooda ugu weyni ahayd inay difaacaan xukuumadda islamarkaana u jawaabaan masuuliyiintaas hore u naqdiyay. Ugu horayn waxa shirjaraa’id oo jawaab celin u ah ku simaha guddoomiyaha KULMIYE qabtay Xildhibaan Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel) oo ah guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, waxa iyaguna saacado yar ka dib shirjaraa’id oo jawaab celin u ah Cabdiraxmaan Cabdiqaadir iyo agaasimihii is casilay Maxamuud Raage, ku qabtay Hargeysa Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha gudaha Md. Cabdillaahi Xuseen Cige iyo Agaasimaha xafiiska siyaasadda ee madaxtooyada Bashir Cabdi Xariir, kuwaas oo Madaxweynaha iyo xukuumadda difaacay islamarkaana masuuliyiintan cambaarayn eedaymana u jeediyay.

Jaamac-Shabeel

Xildhibaan Jaamac Shabeel, oo ugu horayn u jawaabay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ayaa yidhi “Ina Cabdiqaadir maalin hore ayuu hadlay waxa uu u hadlay si calaacal ah, waxaanu nidhi maalintaas hore mar hadduu sidaas u hadlay malaa waxa u eeg inuu England iskaga dhoofo oo uu wadanka isaga tago, waayo wax kale oo u yaalaa ma jiro, taasina waa ayaan darro, Waanu u garan waynay markuu madaxweynuhu mar labaadkii Wasiirnimadii ina Cabdiqaadir dhaafiyey, waayo sidanba umuu hadleen hadduu Ina Cabdiqaadir qaranka xil ka qaban karayo. C/Raxmaanoow magaca aad sidato waxa kuugu hadhay inta uu qabsoomayo shir weynaha xisbigu, xisbigana sidii aad dibada iskaga dhigtay ayaad dibada ugu taalaa iska sii sheego. Waxaa ka hadhay shirka Golaha Dhaxe iska sii sheego haddaad doonayso, laakiin waan kuugu bushaaraynayaa in aanu kaa qaadayno xilka aad hayso. Adiga oo iskaga tagay Kulmiye oo aanu ku ognahay oo ururka Horyaal ah ka tirsan wax kuu ekeyd inaad sida raga qaarkood sidii sharafta lahayd ee ay nooga tageen inaad nooga tagto, aad urur furato aad soo diyaar garowdo doorashada oo aad nala tartanto.”

Jaamac Shabeel, isagoo ka jawaabay hadalkii Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ee ahaa  inaanu Madaxweyne Siilaanyo haysan taageerada shacabka 20% ka mid ah wuxuu yidhi “Ina Cabdiqaadir markuu leeyahay haddii cod la qaado KULMIYE maanta heli maayo 20% waxaan leeyahay dee malaa dalkaba ma joogtid oo muraara-dilaacii ayaad ku maqan-tahaye. soo noqo C/Raxmaanoow toos waad hurudaaye, oo hurdada ka kac KULMIYE maaha mid la leehayay maanta 20% ayaad helaysaa, malaa mafrishyadana ma tagtid, maqaaxiyaha ma tagtid basaska dadweynuhu raacaana ma raacdid. meelaas oo dhan ma tagtidee xageed ka keenahay waxaas, kuwii Mucaarikd ahee ee kulmiye ugu necbaa ayaa maanta qirsan in Kulmiye isbadal samaaayey, maanta waxa noo daliil ah in Kulmiye helayo 80% wali ma arkaysid 17 urur siyaasaeed mid dhalaalilya Kulmiye oo saxaafada ka hadlaya.”

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Cabdillaahi Xuseen Cige (Balaki) oo isna u jawaabay agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda ee is casilay, ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday eedaymihiisa uu xukuumadda u jeediyay, waxaanu ugu baaqay inuu kala saaro inuu reer Gabiley xaqooqda u doodo iyo inuu wasiirkooda maago. Isagoo si gaar ah ula hadlaya agaasimaha is casilay wuxuu agaasimaha daakhiligu yidhi  “Maxamuud laftiisa ayaa war ii sheegay oo wuxuu igu yidhi dadkayaga dibadda ka yimaada irbado ayaanu qaadanaa nina waa lix bilood, ninna waa sanad wuxuu igu yidhi ninka markay Irbaddu ka dhamaato isaga ayaa qeyliya oo wuxuu yidhaahdaa irbaddii ayaa iga dhamaatay. Waxaan filayaa inay imika Maxamuud Irbadii ka dhammaatay ee halala gaadho.”

Agaasimaha xafiiska siyaasadda ee madaxtooyada Bashir Cabdi Xariir, ayaa isna isagoo la hadlaya agaasimaha is casilay wuxuu yidhi  “Maxamuud Raage waxa loo magacaabay agaasimaha guud ee wasaarada cadaalada, waxa joogay Ismaaciil Muumin, agaasimaha guud ee wasaarada cadaaladu waxa uu xog haye u yahay guddiga cadaalada ee qaranka, labadaas shaqo ayaa u badan, labadii wada shaqayn la’aanbaa ka bilaabantay, waxa uu markiiba kula soo noqday madaxtooyadii cabasho uu wasiirkiisii wax ka sheegayo, waxa burbur ku dhacay wada shaqayntii ka dhaxaysay wasaarada iyo guddida cadaalada ee qaranka, waxa meeshii xumaatay shaqadii.”

Isagoo la hadlaya ku simaha guddoomiyaha KULMIYE, wuxuu yidhi “ Waxaan kalmad yar ka odhanayaa Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo aan mudo dheer anagu Kulmiye wada ahayn, kalmadaas waxa weeye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxaan anigu ahaa ragii ay aadka u saaxiibka ahayan aadka ula jeclaa inuu xubin wasiira ka noqdo ee aad ugu kaambayn gareeyay manay soo baxin oo may qornayn, markii tii la waayay anagu waanu la talinay oo waxaan nidhi, waar siyaasadu maanta uun maaha Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal baa dalkan intuu qaaday waxba waayay oo isagina xabsiga loogu daray, waxaanu noqday qofkii marlabaad ku guulaystay inuu dalkiisii dib u dhis ku sameeyo, markuu labaatan sano xabsiga ku jiray. Markaas bahasha turubkaa loo ciyaaraa turubka u ciyaaroo wad ayaan ku nidhi oo wad, maalin dhawayd ayaan arkay ninkii Cabadiraxmaan  ee aan talooyinkaas siiyay  iyo inaan anigu si gaara ula shaqayno isku ogayn isaga oo hadana TV-ga fadhiya markii labaad.”