Hargeysa: Munaasibad Lagu Soo Gunaanaday Tartan Suugaaneedkii Bahda Hal-qor

0
765

Picture1Hargeysa (Geeska) – Munaasibad ilyartu is qabatay oo  abaalmarino kala duwan lagu guddoonsiinayey dhalinyar hal-abuuro ah oo ku tartamay maansooyin ka hadlayay aafada Tahriibta ayaa habeen hore lagu soo gaba gabeeyay hoolka shaqaalaha dawladda ee Magaaladda Hargeysa.

Munasibadda oo ay soo qabanqaabisay bahda Hal-abuurka Iyo Qoraalka ee HAL-QOR, ayaa waxa ka qayb-galay marti sharaf aad u tiro badan oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan golaha wasiiradda oo ay ka mid ahaayeen wasiirka wasaaradda Madaxtooyadda, wasiirka wasaaradda dhalinyaradda, ciyaaraha iyo dalxiiska, wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka, xildhibaanno, abwaanno iyo hal abuuradii tartanka ka qayb-galay.

Guddoomiyaha bahda hal-abuurka Iyo qoraalka ee HAL-QOR, Khadar Xuseen Daahir, oo ugu horeyn xafladdaasi ka hadlay ayaa ka waramay marxaladihii ay soo martay bahda HAL-QOR, waxa kale oo uu guddoomiyuhu sheegay heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray tartanka la soo gabogabeeyay iyo abaalmarinihii loogu talagalay kaalmaha koowaad, labaad iyo saddexaad, isaga oo sidoo kalena balan-qaaday inay furayaan tartan labaad oo suugaaneed, isaga oo xusay in tartanka labaad ee la xidhiidhi doono habka qoraalka iyo maansooyinkooda bahda Hal-qor ka samayn doonto buug, si hadhow looga faa’ideysto.

Wasiirka ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Somaliland, Marwo Nimco Xuseen Qowdhan, oo ka mid ahayd masuuliyiinta halkaasi ka hadlay ayaa dhalinyaradda ku boorisay inay ka fogadaan qabyaaladda iyo tahriibta, sidoo kalen ugu baaqday inay is dhex galaan.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan, ayaa isaguna hambalyeeyay ururkii soo qaban qabiyay munaasibadda tartamayaasha, isagoo xukuumadda u soo jeediyay inay dhiiri gliyaan dhalinyaradda una sameeyan goobo ay ku ciyaaraan iyo meelo ay ku tartamaan si ay uga badbaadaan aafada tahriibta, waxa kale oo uu xildhibaanku sheegay in wax loo qabto abwanada dayacan ee qaranka lana maamuuso inta ay nool yihiin.

Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo isaguna halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay in uu ka qayb galo munaasibadda tartan suugaaneedka ah isagoo wasiirku balan qaaday in shahaadooyinkii loogu talo galay saddexda kaalmood ee hore lagu bixin doono Madaxtooyada, gudoonsiina doono Madaxweynaha qaranku.

Xafladda lagu soo gabogabeeyay tartan suugaaneedka oo ay natiijadiisii ku dhawaaqeen Abwaanada kala ah Axmed Saleebaan Bidde, Saxardiid Maxamuud Jabiye iyo Abwaan Cali Caateeye, ayaa waxa look ala helay sidan:-

kaalinta koowaad waxa gashay maansada BADHEEDH oo ay curisay hal abuurad DEEQA NUUX YOONIS, kaalinta labaad maansadda Dheelmad oo uu alifay hal abuur XASAN CABDI NAASIR CUMAR, iyo kaallinta saddexad maansada Hagar-daamo oo uu sameeyay hal abuur YAASIIN MUXUMED FAARAX.

Wasiirka wasaaradda dhlinyaradda, ciyaaraha iyo dalxiiska oo soo xidhay munasibadda ayaa sheegay sida ay xukuumadda uga go’antahay wax la qabashada dhalinyarada, isagoo wasiirku xusay in uu dhankiisa ku mamuusi doono hal abuurddii tartanka ka gashay saddexda kaalmood ee hore qadar lacageed oo ah kaalinta koowaad $ 300$, Labaad $ 200, iyo kaalinta sadexaad $100$.

Ugu dambayn, Waxa kale oo madasha ka hadlay xubno ka kala socday naadiga akhriska himilo (NAH) iyo xarunta kaydka hiddaha, dhaqanka, akhriska iyo qoraalka ee MAXAMED MOOGE oo iyaguna wada jir ugu hambalyeeyay ururka soo qaban qaabiyay xafladdan.