Agaasime Madaxweynaha Kula Taliyay Inaanu Qaadan Dadka Loo Keenayo Ee Uu Isagu Xusho

35
2875

Hargeysa (Geeska)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Saleebaan Jaamac Diiriye, ayaa talo u soo jeediyey Madaxweynaha la doortay ee Muuse Biixi Cabdi, waxaanu kula taliyey in mudnaanta kowaad aanu siin dadka loo keenayo ee uu isago go’aankiisa ku soo xusho cida uu u arko inay la shaqeeyan karto, waxaanu ALLE uga baryey inuu xilka u fududeeyo.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Saleebaan Jaamac Diiriye, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi“Marka ugu horeeysa waxaan hambalyo u dirayaa guusha Madaxweynaha Somaliland ee la doortay, Muddane Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, oo runtii aan aad ugu faraxsan nahay inuu noqdo Madaxweynaha Somaliland, ILLAAHAYNA waxaan uga baryayaa inuu xilka u fududeeyo, oo uu noqdo Madaxweynaha gaadhsiiya himilada aynu hiigsanayno, Muuse Biixi Cabdi sida uu qof walba og yahay waa qof wadankan lexe-jeclo fara badan iyo tacab badani ka soo galay, loogana biqi maayo inuu meel xun maro, Madaxweynaha dadka la shaqeeyan doona iyo dadka uu xulan doona waa inay noqdaan dad mabdiisa oo kale leh, oo u fududeeya hawsha ay wadaan, anigu shaqsi ahaan in badan baan ka shaqeeyanayey Wasaarado waaweyn, Madaxweynaha waxaan ka rajaynayaa inuu xusho dadka uu is leeyahay wey shaqeeyan karaan, oo aanu mudnaanta siin dadka lagu qasbi doono ama loo keeni doono, ama la odhan doono hebel shaqaaliisi, Wadanka isaga ayaa loo doortay, waxaana filayaa inuu Madaxweynuhuna xulan doono xubnaha uu is leeyahay wey kula shaqeeyan karaan, waxna wey kula qaban karaan, waxaana anigu aaminsan nahay inuu Madaxweyne Muuse Biixi uu leeyahay go’aan qaadashada uu ku xulan doono dadka uu u arko inay la shaqeeyan karaan, waayo kooxda kubada wada ciyaaraya waxay ku fiican yihiin inay noqdaan koox kubada is la fahmaya, qofka adiga kula shaqeeyanaya haddii aanad adigu soo xulan ee lagu soo xulo dhibaatadeeda ayey leedahay, Madaxweyne Muuse Biiixina khaladaadkii hore ee dhacay inuu ka faa’iidaysto ayaan rajaynayaa, taariikhda ayaana wax badan ina bartay”.

Agaasimaha Caafimaadka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Dadkii hore u shaqeeyan jiray iyo kuwa iman doona, waxa loo baahan yahay in qofka loo eego tayadiisa, wax-qabadkiisa iyo waxa uu qaban karo, xitta kolay ay aniga ku tahay in aan loo eegin qof, qof ku keenay, Wadankeena waxaan raynayaa inuu noqdo Wadan halka uu imika marayo meel ka wanaagsan inuu gaadho”.

Agaasimaha Caafimaadku mar uu ka hadlaayey markii uu Madaxweynaha la doortay ku soo biirayey Xisbiga Kulmiye ayaa yidhi “Waxaan xasuusta maalintii uu Madaxweynaha la doortay uu ku soo biirayey Xisbiga Kulmiye, waxaanu maalintaas uu yidhi haddii aynaan dooran Guddoomiyihii SNM, ee Axmed Siillaanyo taariikhdii SNM sumad ma laha, marka qofku marka uu halgan ku jiro ee halganka lala garab qabto ayaa muhiim ah, qof kasta oo Muuse doortay iyo kuwii ka soo hor jeedayba, waxaan filayaa inay la shaqeeyaan, anigu laba Wasaaradood oo halbawlaha ah ayaan ka soo shaqeeyey, labadabana uu garanayaa dhibaatada ay leeyihiin, midi waa hooyada wadanka oo waa Wasaaradda Maaliyadda, midina waa Wasaaradda nolosha umadda ALLE ka sakaw gacanta ku haysa oo ah Wasaaradda Caafimaadka, labadan Wasaaradoodna waa laf dhabar halbawle ah, waxaana jecel ahay in haddii ay Madaxweynaha fariintaydaasi gaadho in cida uu u xulanayo labadan Wasaaradood uu aad uga fiirsado”.

Agaasimaha Caafimaadku sidoo kale waxa uu Mucaaradka uga mahadnaqay sida ay u aqbaleen natiijadii Doorashada, waxaanu Madaxweyne Axmed Siillaanyo oo muddo xilkeediisi dhammaaday uga mahadnaqay heerka uu dalka soo gaadhsiiyey, waxaanu Beesha Caalamka ugu baaqay in aanay marnaba iska indho tirin horumarka Somaliland iyo waxay qabsatay ee ay ka marag kacaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here