Ganacsade Cali Ducaale Oo Hambalyo U Diray Madaxweynaha La Doortay

39
3532

Hargeysa(Geeska)-Ganacsade Cali Ducaale Oo hore u ahaa ciyaaryahanadii 1970-kii ee gobolka Togdheer oo fariin hambalyo ah u diray madaxwayanaha la doortay ee Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi oo dhawaan ku guulaystay xilka jagada madaxwayne nimo. Ganacsade Cali Ducaale oo fariintani ku sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay helitaanka uu madaxwayne Muuse Biixi uu ku guulaystay xilka madaxwayne nimo isaga iyo ku xigeenkiisa mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil Saylici.
Ganacsade Cali Ducaale oo hadda ka mid ah ganacsatada geeska afrika iyo carabta kaasi oo mudooyinkii u danbeeyey ku sugnaa gudaha Somaliland ayaa madaxwyanaha la doortay ee Somaliland ugu baaqay inuu ka dhabeeyo balan qaadyadii uu u jeediyey guud ahaan shacbiga reer Somaliland gaar ahaan shacbiga ku dhaqan bariga gobolka Sanaag, oo muddo ku dhaw rubuc qarni ka go’naa dalka intiisa kale deegaanadaasi oo ka dib dhacay guud ahaan deegaanada kale ee dalka.
Ugu horayn waxa uu halkaasi ka sheegay in deegaanada degmada
Badhan,Hadaaftimo,Yube,Xiingalool,Dhahar iyo Laasqoray ay guud ahaan dadka ku dhaqan sugayaan xukuumada cusub ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxwayne Muuse Biixi Cabdi waxaanu sheegay in ay u heelan yihiin mar uun sidii ay u heli lahayeen dawlad ka war haysa oo dhawrta rabitaanka shacabka.
Waxaana Hadaladisii ka mid ahaa Ganacsade Cali Ducaale ”Waxaan halkan hambalyo uga dirayaa Madaxwayanaha Muuse Biixi Cabdi waxaanu leenahay hambalyo hambalyo hamabalyo madaxwayne waanu kugu hambalyeynaynaa aniga oo ah ganacsade Cali Ducaale hambalyo gaar ah ayaan kuu soo dirayaa, Tagi taankaagii ama safarkaagii aad ku tagtay Sanaag barri magaalada Hadaaftimo waxaad samaysay balanqaad waxaanu rabnaa inaad balan qaadkii ka soo fushid”
Ganacsade Cali Ducaale Oo gaba gabadii halkaa hambalyo iyo duco uga jeediyey Madaxwaynaha la doortay iyo ku xigeenkiisa ayaa sheegay in wakhtigan dalku u baahan yahay hoggaan umada wax u qabanaya oo gobolada dalka si siman isku soo gaadhsiinaya waxaanu si gaar ah u taabatay in gobolka Sanaag oo mudo badan ka dib dhacsanaa gobolada kale ee dalka uu helo xuquuqdii uu lahaa oo ah in uu la jaanqaado dhamaan gobolada kale ee dhigiisa ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here