“Waxaana Xaqiiqo Ah Inaynaan Kala Guulaysan Ee Aynu Wada Guulaysanay” Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere

69
4623

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, ayaa sheegay inay Somaliland ku talaabsatay horumar dhinada Dimuqraadiyada ah, isla markaana Doorashadii ka dhacday ee Madaxtooyadu ay ahayd mid aan wali ka dhicin Wadamada Geeska Afrika, waxaanu tilmaamay in cid gaar ahi aanay guulaysan ee ay Somaliland wada guulaystay.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale u duceeyey Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka la doortay, waxaanu u mahadnaqay Madaxweynaha uu xilkiisi ku dhammaaday, waxaanu ugu horeyn yidhi “Marka hore Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka la doortay waxaanu ugu ducaynaynaa inuu ILLAAHAY ku asturo xilka weyn ee ay dadka iyo dalka u hayaan, waxaana u rajaynayaa inay horumar iyo himilo wanaagsan inoo horseedaan iyo in halka maanta dalkeena taagan yahay meel ka wanaagsan gaadhsiiyaan iyo in aqoonsiga inoo keenaan”.

Mar uu shacabka reer Somaliland baaq u diraayey ayaa yidhi “Shacabka reer Somaliland waxaanu kula talinaynaa inay ka qayb qaatan isku duubnida, Somaliland cadaw badan bay leedahay, oo waxa jira cid ka xun horumarkeena, waxa xaqiiqo ah inaynaan kala guulaysan ee aynu wada guulaysanay,Xisbiyo walaalo ah ayaa tartamay, waxa loo baahan yahay mar walba inaynu is garab taagnaano oo aynu nabada ilaashano”.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Kulmiye mar uu ka hadlaayey Axmed Siillaanyo ayaa yidhi “Madaxweyne Siillaanyo ILLAAHAY cimri dherer ha siiye, taariikh wanaagsan buu dalkii kaga tagay, wakhti dheer buu soo halgamay, si fiican buu u wareejiyey, isagoo xaq u leh inuu sii tartamo, ayaa haddana ka tanaasulay, oo saaxibadii ku wareejiyey ILLAAHAYNA uu ku guulayey, oo Xisbigiisi ayaa mar labaad ku guulaystay taladdii dalka, aadna waan ugu hambalyeynayaa”.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Kulmiye mar uu ka hadlaayey Doorashadii ayaa yidhi “Doorasho ka dhacday Wadamada Geeska,Doorasho la mid ah, Doorashadeena oo ka wanaagsani kamay dhicin, xitta Wadamada Aasiya Doorashada oo kale iyo qaabka ay u dhacday oo sinaan iyo cadaalad ah oo xor iyo xalaal ah kamay dhicin, markaas Doorashada dalkeena ka dhacday wali kamay dhicin Wadamada Geeska Afrika, waxaana xaqiiqo ah inaynaan kala guulaysan ee aynu wada guulaysanay, waxaana guul inoo ah inaynu gacmaha is qabsanay mucaarad iyo muxaafidba,   waxaana sharaf inoogu filan sida Caalamku inoo hambalyey”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here