Yoolka Dhalinyarada Maanta: Qalinki C.risaaq C.raxmaan Xasan Rakuub

1
1353

Wuxuu ku barbaarey magaaladiisi, gurigiisi, iyo xaafadiisi oo uu ka helayey dhamaan adeeg bulsho, haday tahay caafimad, waxbarasho, biiyo, cunto, amni magac, sumcad iyo degel u ina hebel ku ahaa, wuxu ka doortay dhul qarfe ah, saxare ah, ajnabi u ka yahay, isaga iyo dugaagu isku qiimo ka yihiin, wuxu u badheedhay inu badda dabaasho, higsigisu waa inu badda ka talaabo si uu u helo nolol farxad leh, jid kasta oo uu u maro wuxu ku dadalaya sidu u gaadhi lahaa hadafkisa ah Europe tagisted, wuxu aaminsan yahay kali inay ku tahay nolol wanaag, sumcad helis, iyo ilo dhaqaale inayiyadun haysato oo aduunkuba iyada u xidh xidhan yahay, wuxu ka dharagsan yahay in wadankan u ka tagaya iyo qaaradu u dhashayba da’yarteedu geedi u yihiin dhulalka galbeed, si ay u kala hor tagaanba, ka wax bartay isku ciil kaambiyo docdani way ku habsamisay, ka imika un indhaha kala qaadayna is leyey yaanu haben ka tagin, hooyo ilmo sidata iyo inan ugub ahiba badda ay marti u yihiin, baddu u tahay asture, wuxu og yahay gaban kasta oo wakhtigu qabtay inu iyada waa badda’e ka helayo wahel sida darted u magansaday inay nabad ku gayso meeshu geediga u yahay,  ma sahan sadaan mana sadaaliyan, yoolkoodu waa dabaalasho un, dhimashada u maalin walba maqlo wiilkan geediga ahi dan iyo muraad kama galo, wuxu isku maaweeliya inu maalintisa ifka ka tagi doono sida darted aanu dhimasho hadafkisa ku lumin, ee sidu u xidhxidhay u socodkisa ugasi amba qaado.

Sahay iyo saad buran ma haysto hase ahaate waxaanu moganayn oo u ka dharagsan yey meesha uu kaga go’o saadku inu ka yeedhin doono una qayla dhaan dirsan doono waalidki, socod dheer amase mid gaabanba dho, hadda wuxu jooga saxarihii caanka ku ahaa tahriibta, waa wadanka libiya oo kacdoonki lagu riday qadaafi la ildaran oo iyagi is haystaan, qabilooyin u kala fadhiyaan, jabhaduhu u cusub yihiin, si ay u degaan iyagu garan la’, waxay arkaan qalaylka ku dubta, wuxu kuso beegmay xili aad u adag oo midabkisa jabhaduhu jidh didaan, aano ay ka sheegtan intay la dagalamayeen nidaamkay riden kucolaysten inay uso raaceen iyago calooshoda u shaqaysanaya ninkay is hayeen, iyagoon godob hore ka dhaxayn, u raacanayaan caruurahoodi  iyo hantidoodi la’atay midabkisa.

 waa u tukada ducaystana jecel yahay in lagu sheego jihaad nafeed inu ku jiro, wuxu jooga magaalada banqaazi wuxu donaya  inu dhanka iyo caasimada u jarmaado, waxa ku habsatay wax aanu filayn hase ahaate aanu moganayn oo uu uso badheeday, waxa qafaashay koox dhalinyaro ah oo beeralay ah, meeshu waa libiya hadana beeralay bal adba!.

waxay siyeen telephone u kula xidhidho ehelkisi si madax furasho lacag ah ay uguso diraan, waxay iyaga qudhoodu isku hayaan inay jidhkiisa ibsadaan iyo inay lacag ka qaataan, waxa xoog batay kuwi yidhi waar hadda diyaar inoma ahaa inaynu cid kale gacan ka galino si ay inola shuraakoban jidhkise lacagtan deg-dega ah aynu iska qadhidhano, halka waxa aad ka garanaysa in kooxdani aanay ahayn koox khibrad u leh qafalashada ee hadda un ay bilaben, waayo kuwa ay didayaan xata waxa ay haystan dhakhaatirti kalyaha,beerka,indhaha iyo halbawla kasta oo qofku leyahay ka saari lahaa, hase ahaate kuwani waxay dor bideen dhaqaalaha inay ka qaatan iskana si dayaan, wuxu la hadlay waalidki.

aabihi waa nijaar farad ka shaqeeya oo dhididkisa quuta, quutal darurigisa kama badna intu so dhidido, hayn iyo meel hanti u taala ma jirto, hooyadi waa qaadley badhtamaha magaalada fadhisata khaas ahaan istaanka baabuurta magaaladu ka baxdo, had iyo goor waxay is haystaan oo isku buuqsan yihin kaariyaasha iyo dirawaliinta baabuurta oo jaad ay ka amahdeen isku haystaan so ceelinta lacagtaa, qudheedu waa yoomiye waxa ay heesha meel ay wax ku ogtahayna ma jirto marka laga tagi waayo waxay ku jirta hagbad aan sida u burnayn, waxay labadooduba u shaqeeyan caruurta uu u weyn yahay kan tahriibta u qafaalani, waxhanti ah waxa ay leeyihin baloodh beebe iyo laba daryaale uga dhisan yahay oo ay degen yihiin, labadi waalid talo way ku cirsan tahay, ma haystan lacag ay ku furtaan curaadkoogi, meel ay wax ka amahdaan ma garanayan, dani waxay ku khasabtay inay ibiyaan dhulkan aanay garanayn meel ay uga guuraan, inkaar iyo kohasha badna.

inti ay Helen ee lacag ahayd in isagi ayey u direen ina iyagi ayaa meel magaaladi ka baxsan uga ibsaday baloodh, isagi xooriyadi loso celi gaadhi caasimadi geeya la saar si wacan ayey u macasalameyen nimanki haystayaasha ahaa, intu socday wuxu maqlay in gaadhi ka horeyey oo siday dad soomaali ahi xaga sare oo sibid sarna xaga hoosana dadi ku jireen u kuso dumay, sida darteedna dadki wax dhintay iyo dhawac halis ah ku yeesheen, isagu wuxu fushan yey gaadhi xoolo sida, shidhka ayuu u saranyey, waxa meesha u caado ah marka tuulo la galaba inay jabhad deegaanka u dhalatayjoogto oo rabto inti lagaso qaaday in leeg inay qaatan, og meeshaad so martay in wax lagagaso qaado mooye in aanaad naf kala so baxayn, dirawalki gaadhiga waday wu diday inu joojiyo iyaguna xabad ayey la dhaceen gadhigi, xabadihi yeedhmayey waxay asibeen wilkan shidhka u saran, waxanay kaga beegantay bawdyada meel xidid maro, wax dhiga lagu joojiyo aya la wayey, gaadhigana lama istaajin karo iyagi aya laga baqaya, maro ma joojinayso, agab caafimaad oo gargaarka deg degana ma hayaan, dani ku tidhi waxa noqotay in u adkaysto ila caasimada laga gaadhayo, marki cisbitaalki uso horeyey la dhigay ayaa dhalinyaro soomaali ahi la hadleen xafadoodi una sheegen sida xaal yey iyo sida ay wax u dhaceen, amakaag, naxdin iyo fajac badna murugadan so noqnonaysa, rajo ma hayaan oo wali meeshan u tagan yey geedi dheer aya sugaya oo badi dabalashada rabtay ayaa wali hadhay, hadana dhibta lagu jira amase laso maray ma yara, waalidki mala hadi la odhan lahaa wu dhintay way nasan lahayeen waayo waagi barya iyo gabalki dhaca waa u murugo, iyo  maxa laso sheegi, rafaad iyo dhib ku dhacdayba cusbitaalki waa kaso baxay, hadda wuxu isku diyarinaya inu badda dabaasho, wuxu u diyaar garobaya qorshihi iyo naf huridiugu adkayd noloshisa, caawa aya lagu yidhi waad baxaysa, naftu baqasha badna, duco iyo sujuud badan ayu ku jira wuxu go’aansaday inu xafadi la hadlo, wuna u sheegay, oohin iyo calacal badan ka dib way u duceyen, mala caawa waxay isleyin laba gooraba wad nasan dontaan hadana waa beer, isagu wuxu arkaya haawada himilo dheer, hadana beerkisu wuxu ka damqanaya badda iyo abaaluda ku jirta, wu badheedhaya oo ma gabanayo, wuxu cagti saaray doonti lagu dawaafayey wuxu arkay boqolaal dad ah oo si fadhiya iyo tobanaan kuso gurmaya doontan iyadi circiraysa ee inti loogu tala galay toban jeer dhaaftay, kamase hadli karo walagu wada qasbanyey, mar ay meel dhexe marayso ayaa mawjad aanay arkayni ku habsatay doonti dadka qaadi kari la’ayd hadda way qarqaysa wanay si degaysa, inti sare badda ayey dabaalasho dan ka dhiganayaan, inti hoosta ku jirtayna meel ay kaso baxaan ayey garan layihiin waayo inti sareayaa badhkood badi isku quudhi laayihin iyago garan la’ si ay u dabashaan, isagu goor dambe ayu doonta kuso biray sida darted waa dadka xaga sare saran hase ahaate magaaladu degana waa marki ugu horaysay ee u ka haajiro sida darted bad iska daaye barkad ma usan arag, dabaalna hadalkeed da’, talo hada way ku cirtay, wuxu sameyana ma garan karo, hase ahaate sidu u yaabana ayaa doonti badi ka hoos martay, khasab ayey ku noqotay inu gacmaha saydh saydho, markab meesha u dhawa ayaa dadki uso gurmaday wax si hafanaya, iyo wax badu so tuftayba meeshi kaso guray, dadka sarani waxa ay u badnayeen Ethiopian hase ahaate soomaalidu kumay yarayn, dadki intoodi badnayd waxay noqdeen wax dhintay oo badi liqday sona saartay maydkoodi, xaafad kasta waa ay ogatay in doonti degtay dhimashaduna aad u badan tahay, xaafadi wiilkani ka baxay ma oga geeri iyo nolol wuxu ku sogan yahay wiilkoodi, waa murogo kale. Ayaamo ka dib oo si sare oo aan hagrasho lahayn lo badhay ayaa la ogaaday in wiilkani ku jiro inta baddu liqday ee waliba abaaludi badda ku jirta casuumada u noqotay. DHAMAAD…..?

Comments are closed.