Agaasimaha Guud Ee Caafimaadka Oo Ka Hadlay Tayada Daawooyinka Dalka La Keeno

0
687

Hargeysa (Geeska)-Agaasimaha Guud ee Horumarinta Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xergeeye,ayaa ka hadlay xaalada Caafimaad ee dalka, gaar ahaan Goobaha Caafimaadka ee Dawladda, waxaanu sheegay inay tayo ahaan iyo daryeel ahaanba ay aad u wanaagsan yihiin, Wasaaradda ahaana ay wadaan dadaalo lagu sii horumarinayo.

Agaasimaha Guud ee Horumarinta Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xergeeye oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay qiimaha Caafimaadka, waxaanu ugu horeyn yidhi “Xarumaha Caafimaadka ee Dawladda daryeel ahaan iyo tayo ahaanba aad bay u wanaagsan yihiin, haddii ay noqoto MCH-yo iyo haddii ay noqoto Cusbitaalaba, Wasaarad ahaana waxaanu mar walba diyaar u nahay in aanu sii kobcino siina horumarino, maxaa yeelay umadda masuuliyad baa naga saaran, waxaa masuuliyadi naga saaran tahay in aanu hubino guud ahaan adeegyada kala duwan ee Caafimaadka, Dhakhaatiirta kala duwan ee dalka ka hawlgasha, tayada Dawooyinka ee dalka la keenayo,Wasaarad ahaana cidnaba ka yeeli mayno Dawooyin baa tayo ah oo dadka loo keeno iyo dhakhataro bilaa aqoon ah oo dalka ka hawl-gala, in aanu hubino, oo aanu daba gal ku sameeyna waa waajibkayga iyo xilka aanu qaranka u hayno”.

Agaasimaha Caafimaadka oo hadalkiisa si iwata ayaa yidhi “Waxaan hambalyo u dirayaa guud ahaan Shacabka Somaliland iyo guud ahaan umadda Muslimka oo dhan meel kasta oo ay joogaan, waxaana leeyahay ciid mubaarig, Ciidan ciiddeedana ALLE ha nagu gadhsiiyo horumar, nabadgalyo, iyo aqoonsi buuxa oo aynu ka helno Beesha Caalamka”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here