Wasiiro Ka Hadlay Xaalada Ceel-Afweyn

0
725

Hargeysa(Geeska)-Wasiiro ka tirsan Xukuumada madaxweyne Biixi ayaa dhaliilo u soo jeediyay cid kasta oo ka hortimid xaaladii deg dega ahayd ee Sanaag lagu soo rogay taas oo ay ku tilmaameen wadadii wax lagaga qaban lahaa dagaalka Ceel-afweyn ee soo laabanaaya kolba mar.

Wasiirka ciyaaraha oo uu waheliyo wasiirka golayaasha iyo dastuurka ayaa si adag dagaalkaas uga hadlay, wasiirka ciyaaraha Boos Mire Maxamed oo ugu horayntii ka hadlaayay dagaalka soo laabashada badan ee Ceel-afweyn waxa uu yidhi“ Dhacdadii foosha xumayd ee ku soo biiray dhacdooyinkii midba mid ka foosha xumayd ee aad moodayso in hadba ta ugu danbaysaa ay noqonayso tii ugu foosha xumayd ee ka dhacday Ceel-afweyn umadaas waxa alle iyo waxay ku dhimatay iyo wax lagu dilay midna lama garanaayo, waxa dhintay marka dhaawacyadii dhintay marka lagu daro 4 hablood iyo saddex nin.”

Waxa uu wasiirku alle u waydiiyay naxariistii jano intii ku dhimatay rasaastaas waxaanu sida oo kale dadka deegaanka ugu duceeyay In alle iimaanka ku soo celiyo, intaas kadib waxa uu qurba joogta Yurub ku dhaliilay inay kicin wadaan “Qolo qurba joog ah oo dibada joogta inta badan muuqaalada Whatsapp-yada ayaad ka daawataan iyaga oo leh waa la dagaalamayaa waxbaa dhacaaya, mana wada xumo oo inta iimaanka lahayd waa inta dalkooda wax soo galinaysa iyaguna wax qabsanaaya, ninbaan la hadlay oo waxa uu igu yidhi qoladayada Maraykanku kuma jirno dadka meeshaas ka hadlaaya waxaanu nahay shaqaale oo waanu xoogsanaa waxayaga meeshii sax ahaana waanu ku bixinaa waa nimanka caydha qaata ee Yurub u badan,dhalinayrada meelahaas jooga ee maqlaaya iyaga oo leh waxaabanu samaynaynaa waar qaar wax samayn karaba maaha oo iyagii ayaa khaati taagan ee dhibrashankii ayaa la galay waxaabanu dilaynaa, yaanay maskaxda idinka xadin.”

Waxa uu wasiir Boos dhaliilay dadkii ka horyimi xaaladii degdega ahayd ee xukuumadu Sanaag ku soo rogtay oo uu ku tilmaamay talaabo wanaagsan “Dawladu waxay soo saartay xukun deg deg ah xukunka deg dega ah intii ka hortagtay ha ogaadaan maanta waxii ay ka hortageen waxa uu ahaa meelintii ay ugu dhawayd ee talaabo la qaadayay ayay ahayd.”

Maxamed Xaaji Aadan Cilmi wasiirka xidhiidhka golayaasha iyo arimaha dastuurka ayaa isaguna halkaas ka yidhi“ Dadkii ku geeriyooday ama ku dhaawacmay shilkii dhacay ee ugu danbeeyay ee Ceel-afweyn inta dhimatay in alle u naxariisto inta noolna in alle caafiyo, dhamaanba eheladii iyo shacbiga Somalilandba inuu alle samir iyo iimaan uu ka siiyo.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here