Wasiirka Ciyaaraha Oo Beeniyay In La Iibiyay Garoon Burco Ku yaala

0
585

Picture2?

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Cali Siciid Raygal, ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay Garoonka kubada Koleyga ee ku yaala Magaalo Madaxda Gobolka Togdheer ee Burco oo la sheegay in Golaha Deegaanka ee Magalaadasi ay iibiyeen, waxaanu Wasiiirku sheegay in aanay waxba ka jirin arintaasi.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Cali Siciid Raygal, ayaa sidoo kale sheegay in Dad badan oo reer Somaliland ah oo iskugu jira Dad Qurba jooga iyo Dad Dalka jooga ay wax badan ka weydiiyeen waxa ka jira iibka Garoonkan, waxaanu sheegay inay Dhalinyaradu u baahan tahay Garoon, balse aanay u baahnayn Garoon laga iibiyo.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Cali Siciid Raygal, oo Shalay Xafiiiskiisa ugu waramaayey qaar ka mid ah Warbaahinta Somaliland ayaa  sidoo kale Bulshada reer Somaliland iyo Ciidamada kale duwan ee Booliska ugu baaqay inay xil iska saaran Garoomada iyo goobaha ay ku jiraan Asaarta qadiimiga ah ee Somaliland, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay “Waxaan doonaya inaan halkan ka sheego arimo badan oo baryahan hadal hayntoodu Suuqa ku badan tahay, Gobolada iyo Degmooyinka ay ku badan tahay, Dibada iyo Qurbaha nalaga soo weydiiyey, arimahaas oo runtii lagama maarmaan noqotay in aanu ka jawaabno, oo aanu dadka u bayaamino, madaama ay yihiin wax suuqa ku jira, anaga in badan wax lanaga weydiiyey, iyada oo Qurbaha  iyo Gobolada dalka laga soo weydiinayo Wasaaradda Ciyaaruhu ma Garoomadii Ciyaaraha iyo Dhulkii Asaarta  ahayd ayey iibinayaan oo ay xarashayaan, waxa aan halkan ka iftiiminayaa in aanay arimahaas waxba ka jirin, waxaan leeyahay Garoomada marka hore lagu ciyaaro Ciyaaraha, ee Dhalinyarada reer Somaliland ku ciyaarto, Dhulka danta guud ee loogu talagay inay Dhalinyaradu ku ciyaarto, Dhulka Asaarta qadiimka ah ee taariikhiga ah ee Taariikhada Somaliland ku duugan tahay ama ku calaamadsan tahay, ee Gobol iyo Degmo kasta ku yaala intaasiba waa mamnuuc oo lama iibin karo, lama degi karo lama dhalan gediyi karo”

Wasiirka Ciyaaraha isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Dawladdu haddii ay Hantida Qaranka u bahaato wey iibin kartaa, laakiin nidaamka ay ku iibinaysaa waa nidaam Sharciya, Madaxweynahana amarka ugu sareeya iska leh, Hay’addaha iyo Wasaaradda Gacanta ku haya ayaa la ogeysiisaya, nidaama aan suuq madaw ahayn oo la isla yaqaan ayaa la mariyaa, anaga warka lana soo weydiiyo, ee Qurba joogu na soo weydiiyo, ee dalka gudihiisa lanaga soo weydiiya ee Dhalinyaradu na soo weydiinaysa, wax alaale waxa ka jira ma jiraan, wax aanu ka ognahayna ma jirto, dhammaanba Badhasaabada , Maayarada iyo dhammaan Dadkeena waxa aan leeyahay Dhalinyaradeenu waxa ay u baahan tahay Garoomo ay ku ciyaaraan, u baahan tahay dhul aynu Tahriibka iyo mashaakilaadka aynu kala dagaalano, waxa aynu u baahan ahay in Asaarteena qadiimiga ah ee taariikhdeenu ku duugan tahay, inaynu soo saarano, waxaana leeyahay dhammaan Badhasaabada, Maayarada iyo Shacabka reer Somaliland waa inaynu meel uga soo wada jeedsanaa in la ilaaliyo dhulka u gaarka ah Dhalinyarada, waa in la ilaaliya, waa in la ilaaliya Dhulka Asaarta qadimiiga ah waa in la ilaaliya, Ciidamada Booliska, Taliyayaasha Qeybaha iyo Taliyayaasha Saldhigyada, dhammaantood waxa aan leeyahay waxa jira Dhul bir-mageyda ah, oo ah Dhulka  aan sheegay ee ah Garoomada lagu ciyaaro, dhulka lagu ordo, Dhulka danta guud ee dadka loogu talagalay iyo Dhulka Asaartii qadiimiga ahayd ku aasan tahay, waxa ay u baahan tahay in Muwaadinimo iyo Waddanimo la sameeyo, arintaas manaan maqal cid sheegaysana manaan arag, waxa aan leeyahay haddii aad aragtaan cid fadhataysanaysa ama hawshaas ku jirta, waa inaad dhinaca uga soo wada jeedsataan, oo warbixinteedana aad na soo gaadhsiisaan, waxaana idiin sheegaynaa dadka Qurbaha jooga iyo dadka dalka jooga in aanay arintaasi jirin, oo aanan maqal”.  Wasiirka Ciyaaraha Cali Siciid Raygal oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Wasaaradda Ciyaaruhu waxa ay u taagan tahay daryeelka iyo ilaalinta Hantida Wasaaradda ee ay Dhalinyaradu ku ciyaarayso, ee loogu talagalay in Dhalinyarada Garoomo loogu sameeyo, waxa ay ka masuul tahay inay ilaaliso Asaarta qadiimka ah iyo Dhulka Dalxiiska ah ee Somaliland leedahay, maaha in dadka lagu eedayo, ee waa in la iska hubsadaa”