Hargeysa(Geeska)-Wargeyska Geeska Afrika wuxuu akhristayaashiisa cadadkii khamiistii ugu soo bandhigay hees uu Abwaan Siciid Sheekh Abuubakar (Ilkajiir) oo degen dalka Ingiriisku, si adag ugu dhaliilay hoggaamintiisa, taas oo uu miyuusig iyo codna saaray fanaanka Cabdirashiid Cali Xamari oo isna degen dalka Norway.
Heestaas oo uu abwaan ilkajiir ugu magac daray Dhanuun Daalin Noo Dhaaf, ayaa waxa ka soo jawaabay abwaan Cabdiqani Cumar Geedi (Ilkacase) oo ay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo isku beel ka soo jeedaan, kuna nool dalka Ingiriiska, waxaana ku luuqeeyay fanaanka Cabdi Jaamac Qaboojiye oo ay isna xigto dhow yihiin Madaxweynaha Somaliland, degena isla dalka Ingiriiska, waxase laxanka saaray Cabdinaasir Macalin Caydiid oo degen magaalada Hargeysa.
Abwaan Ilkajiir, heestiisa wuxuu si adag ugu dhaliilay hoggaaminta Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo uu ku tilmaamay hoggaamiye lagu khasaaray, waxaanu ku soo xidhayaa “Dhanuun Daalin Noo Dhaaf.” Abwaan Ilkajiir, wuxuu heestiisa dhaliisha ah ku yidhi sidan:
Doorashiyo Xusuus shalay
Dib u celinta maalmaha
Shacabkii dedaalee
Kuu dalaalimiyee
Codka kuugu deeqaad
Daleed Madhan Ku Dhaaftee
Diintiyo Kitaabkiyo
Dimuqraadinimadiyo
Dhaartii ka durugtoo
Dastuuriyo Xaqsoorkii
Waad daba martaysoo
Daayacday xilkii qaran
Somalilanddalkaygii
Hamigeedii dumisaye
Odayahoow degdegayaa
Maxaa dunida kuu hadhay
Dhanuun Daalin Noo Dhaaf
Dadka Dibad Baxaayaa
Waa kuwii ku doortoo
Dilka kaama mudananine
dacwad bay sidaane
Cabashada dadkaa maqal
Waar maxaa daarta kugu xidhay
Dalka kii wax tari laaa
Dadkiisana anfici laa
In la doorto diidaye
Xaqdarada dalkii taal
Dumadaada weeyaan
Waanad dambarsan doontaa
Somalilanddalkaygii
Hamigoodii dumisaye
Odayahoow degdegayaa
Maxaa dunida kuu hadhay
Dhanuun…dhanuun
Waar dhanuun daalin noo dhaaf
Hase yeeshe waxa heestaas ka soo jawaabay Abwaan Cabdiqani Ilkacase iyo fanaanka Cabdi Qaboojiye oo isna codka saaray, waxaana heestan lagu ammaanaya Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo hoggaamintiisa, waxaana lagu sheegayaa inuu yahay hoggaamiye umadda reer Somaliland u soo dagaalamay wakhtigii ay ku jireen xilliyada adag, iyadoo lagu soo gunaanadayo duco Alle lagaga baryayo inuu Madaxweynaha ilaaliyo, waxaanu abwaanku heestiisa jawaabta ah ku yidhi:
Markii layna duudsiyay
Waa kii dagaalamay
Intuu duurka inoo xulay
Dalka Inoo xoreeyay
Dibnahaad ku leedahay
Odayoow doc noo dhaaf
Waa hadal daciifee
Dib how odhan ereygaa
Ruuxii Damiir lihi
Raxmad diidi maaye
Dalkiisana Somaliland
Waa U daacad odayguye
Daayinoow Allahayoow
Siilaanyo Noo Daa’
Hana Daadeheeye
Doqon liita mooyee
Diric iyo ninkii Raggi
……………..
…………………
Kama Duudsiyayaaye
Inanyahoow degdegayaa
Dibintaad ku leedahay
Maxaa dunida kuu hadhay
Kiinii dambayn taloow
Daliil miyaad u haysaa
Dalkiisana Somaliland
Waa U daacad odayguye
Daayinoow Allayoow
Siilaanyo Noo Daa’
Hana Daadeheeye.