“ Doorashadii U Danbaysay Doorashadii Ugu Xumayd Ee Ina Soo Martay Ayay Ahayd, Habkii Loo Maamuli Lahaa Looma Marin”

0
4189

 

5454Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga caanka ah ee Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa doorashadii goleyaasha deegaanka ee dalka ka qabsoontay bishii hore ku tilmaamay tii ugu xumayd ee dalka soo marta.

 

Md. Maxamed Xaashi, oo shalay u waramay telefishanka HCTV iyo wargeyska Saxafi, ayaa sheegay in khaladaad badani ku jiray doorashadaas, “Doorashadii u danbaysay doorashadii ugu xumayd ee ina soo martay ayay ahayd, habkii loo maamuli lahaa looma marin oo kolka qalabka la keeno xisbiyada iyo ururada dad ka tirsan inay la tiriyaan oo la hubiyaan ayay ahayd oo dabadeedna  bakhaarka lagu dhigo sidaas bay ahayd.” Ayuu yidhi Maxamed Xaashi, oo intaas raaciyay “Marka laga saarayna  in laysugu yimaado oo sanduuq walba inta ku jirta iyo halka la gaynaayo  in nidaamkaas la raaco ayay ahayd in la raaco, nidaamkii oodhan oo waa laga tagay kolkaas sanaaduuq  badan ayaa halkan laga soo guray iyo halkan ayaa laga soo guray la yidhi, markaad eegto Xaqsoor iyo ururada kaleba marka laga saaro Kulmiye waxay qabaan in nidaamkii  iyo sharcigii laga leexday oo dabadeedna musuq maasuq badan uu soo galay.”