“ Doorashadii U Danbaysay Doorashadii Ugu Xumayd Ee Ina Soo Martay Ayay Ahayd, Habkii Loo Maamuli Lahaa Looma Marin”

0
4116

 

322Hargaysa( Geeska )- Gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ( Saleebaan Nuur ), ayaa markii ugu horaysay ka hadlay doorashooyinka dalka ka dhacay, waxaanu talooyin u soo jeediyay guud ahaan shacbiga Somaliland oo warbaahintuna ay ku jirto.

 

Saleebaan Nuur waxa uu ugu baaqay ururada iyo musharaxiintii laga guulaystay in ay dalka cagta u dhigaan ayna sugaan doorashooyinka danbe ee dalka

ka dhaci doona, waxaanu sheegay in golaha guurtidu uu diyaar u yahay in hawlaha qaybtiisa ka qaato balse uu wakhtigan golahu arimaha u daynaayo dhaka sharciga.

Waxa uu sidan ku sheegay gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Nuur mar uu shalay xafiiskiisa kula hadlaayay warbaahinta, waxyar uun kadib markii shir uu la qaatay gudida joogtada ah ee golaha guurtida isaga oo u sheegay inuu fasax xaalad caafimaad ah uu dalka kaga baxidoono.

Waxaanu ugu horayntii isaga oo gudoomiye Salaabeen ka hadlaaya ujeedada safarka uu dibada ugu baaxaayo uu yidhi “ Safar dibadeed ayaan u baxayaa, hawl u taggi maayo oo caafimaad ayaan u tagayaa, muddo koobana waan maqnaanayaa, malaha kii hore ayaad hibanaysaane muddo dheer maqnaan maayo oo mudo gaaban yahaan maqaanayaa.”

Intaas ka dib gudoomiyahu isaga oo ka hadlaaya doorashooyinkii dalka ka dhacay waxa uu yidhi “Doorashooyinku muddo kooban dadka way qaybiyaan maalin adagna waa aynu maraynaa, dabada haysku riixina’ee khilaafka daweeya (saxaafadda) oo carabkiina iyo qalinkiina ku daweeya xilbaa idin saarane, su’aalahana Madaxda haku badinina waayo erayga aan laga sii fikirin ee soo duula oo maalintan oo kale qarax ayuu noqdaa inoo wada tudha oo dalka dajiya, waa intaas yar ee doorashada oo xanaftu waa ay go’aysaa markiiba. Ninka laga badiyey wuu iska qaadanayaa aakhirka, imisa jeerbaan anigu doorasho galay oo la I eryaday, waa laga soo kabanayaa, taladiinu taas ha noqoto, kuwa cadhoonayana waxaan leeyahay doorasho waa lagu kala badiyaa, cabashada ururka iyo shakhsigana waxa ka weyn ta dalka”

Gudoomiye Saleebaan oo warbaahintu ay wadiisay bal sida uu u arko in la tabaayo kaalintii guurtida dalka ay ku lahayd wakhtigan oo kale waxa uu yidhi “Guurtidii waa ay dhisantahay odayaasheediina waa ay u joogaan, odaygii ugu weynaana  waakaas oo waa Cabdi Waraabe, maalintaas oo kale intay kulushahay guurtidu waxay ku wacantahay inay dib u yarafadhiisato, laba reer oo isdilayna ma jiraan maalin maalin ayay waxoogaa buuq ah halkan Hargaysa ka dhacday oo iyaduna inaga dantay, guuridu marka loo baahdo waa u diyaar, sharciyada in la raacaana waa muhiim. Hadda wax la door dooray oo dawladii hoose fadhiiste oo iyaguna wax door doorte, waxaan jeclaa iyada oo wada jooga oo 25-ku udhan yahiin oo 21-ku udhan yahiin inay maayarka doortaan, aduunka kale oo dhan carabkiisa iyo gacantiisa ayuu ku ciil beelaa haddii laga badiyo, laakiin inagu waynu kala shirnaa oo ninkii laga badiyay waxba u tagi mayno ayuu odhanayaa, oo xilkiisuba waa intaase, way iska dhamaanaysaa cadhadu, idinkuna (saxaafadda)  in cadhadu dhakhso inooga damto ku hawlgala, guurtiduna maalinta loo baahdo xilkeedii way gudanaysaa ee haku riixina inay ku dhex milanto,dawladana waa ay wada shaqaynayaan guurtida oo waa ay socdaan, allena inuguma kalifo guuriti wax kala jiida in aynu u baahano, laakiin ururintiina inay samayso guurtidu waa ay ku jirtaa.”

Ugu danbayntii waxa uu gudoomiye Saleebaan hadalkiisa ku soo gunaanaday sidan“ Doorasho waa lagu kala badiyaa si kastaba haloo kala badiyee, doorashadana ta shaqsiga iyo ta ururkaba waxa ka weyn dalka iyo dadka, maantaba uun maahee bariba way imanysaa, maanta ninkii laga badiyoow bariba ku sin way imnaysaaye oo hayna qarbaqarbaysiin.”