Abwaan Iyo Fanaan Ka Soo Jawaabay Heestii Lagu Dhaliilay Hoggaaminta Madaxweynaha

0
932

 

 

Hargeysa(Geeska)-Wargeyska Geeska Afrika wuxuu akhristayaashiisa cadadkii khamiistii ugu soo bandhigay hees uu Abwaan Siciid Sheekh Abuubakar (Ilkajiir) oo degen dalka Ingiriisku, si adag ugu dhaliilay hoggaamintiisa, taas oo uu miyuusig iyo codna saaray fanaanka Cabdirashiid Cali Xamari oo isna degen dalka Norway.

Heestaas oo uu abwaan ilkajiir ugu magac daray Dhanuun Daalin Noo Dhaaf, ayaa waxa ka soo jawaabay abwaan Cabdiqani Cumar Geedi (Ilkacase) oo ay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo isku beel ka soo jeedaan, kuna nool dalka Ingiriiska, waxaana ku luuqeeyay fanaanka Cabdi Jaamac Qaboojiye oo ay isna xigto dhow yihiin Madaxweynaha Somaliland, degena isla dalka Ingiriiska, waxase laxanka saaray Cabdinaasir Macalin Caydiid oo degen magaalada Hargeysa.

Abwaan Ilkajiir, heestiisa wuxuu si adag ugu dhaliilay hoggaaminta Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo uu ku tilmaamay hoggaamiye lagu khasaaray, waxaanu ku soo xidhayaa “Dhanuun Daalin Noo Dhaaf.” Abwaan Ilkajiir, wuxuu heestiisa dhaliisha ah ku yidhi sidan:

Doorashiyo Xusuus shalay

Dib u celinta maalmaha

Shacabkii dedaalee

Kuu dalaalimiyee

Codka kuugu deeqaad

Daleed Madhan Ku Dhaaftee

Diintiyo Kitaabkiyo

Dimuqraadinimadiyo

Dhaartii ka durugtoo

Dastuuriyo Xaqsoorkii

Waad daba martaysoo

Daayacday xilkii qaran

Somalilanddalkaygii

Hamigeedii dumisaye

Odayahoow degdegayaa

Maxaa dunida kuu hadhay

Dhanuun Daalin Noo Dhaaf

Dadka Dibad Baxaayaa

Waa kuwii ku doortoo

Dilka kaama mudananine

dacwad bay sidaane

Cabashada dadkaa maqal

Waar maxaa daarta kugu xidhay

Dalka kii wax tari laaa

Dadkiisana anfici laa

In la doorto diidaye

Xaqdarada dalkii taal

Dumadaada weeyaan

Waanad dambarsan doontaa

Somalilanddalkaygii

Hamigoodii dumisaye

Odayahoow degdegayaa

Maxaa dunida kuu hadhay

Dhanuun…dhanuun

Waar dhanuun daalin noo dhaaf

Hase yeeshe waxa heestaas ka soo jawaabay Abwaan Cabdiqani Ilkacase iyo fanaanka Cabdi Qaboojiye oo isna codka saaray, waxaana heestan lagu ammaanaya Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo hoggaamintiisa, waxaana lagu sheegayaa inuu yahay hoggaamiye umadda reer Somaliland u soo dagaalamay wakhtigii ay ku jireen xilliyada adag, iyadoo lagu soo gunaanadayo duco Alle lagaga baryayo inuu Madaxweynaha ilaaliyo, waxaanu abwaanku heestiisa jawaabta ah ku yidhi:

Markii layna duudsiyay

Waa kii dagaalamay

Intuu duurka inoo xulay

Dalka Inoo xoreeyay

Dibnahaad ku leedahay

Odayoow doc noo dhaaf

Waa hadal daciifee

Dib how odhan ereygaa

Ruuxii Damiir lihi

Raxmad diidi maaye

Dalkiisana Somaliland

Waa U daacad odayguye

Daayinoow Allahayoow

Siilaanyo Noo Daa’

Hana Daadeheeye

Doqon liita mooyee

Diric iyo ninkii Raggi

……………..

…………………

Kama Duudsiyayaaye

Inanyahoow degdegayaa

Dibintaad ku leedahay

Maxaa dunida kuu hadhay

Kiinii dambayn taloow

Daliil miyaad u haysaa

Dalkiisana Somaliland

Waa U daacad odayguye

Daayinoow Allayoow

Siilaanyo Noo Daa’

Hana Daadeheeye.