Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deegaanka Burco Oo Dhaliilay Dawlada Hoose Ee Degmadiisa

0
525

Burco(Geeska)–Enj.Cabdirashiid Faarax Cali oo ka mid ah golaha deegaanka Burco ayaa markii u horeysay shaaca ka qaaday waxqabad la’aanta ku habsatay Dawladda Hoose ee Burco mudadii ay joogeen maayirka cusub Maxamed Muraad iyo ku xigeenkiisu Mr Xoday.

 Sidoo kale xildhibaanka ayaa  kormeer uu sameeyay  maalmihii u danbeeyay ku soo badhigay  dhibaatooyinka ka jira magaalada Burco  ee ay Dawladda Hoose ku fashilantay in ay wax ka qabato kuwaasi oo qarka u saran in ay xaxuuno ka dilaacaan wakhtigan aynu ku jiro ee xili roobaadka ah .

 Xildhibaankan ayaa sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Burco isla markaana waxa uu ugu baaqay bulshadda reer Burco in ay la xisaabtamaan golaha deegaanka ay doorteen oo ay xafiisyadooda ugu yimaadaan si wax loogu qabto .  “Iyadoo ay dhakada  naga saaranyahay 21 xildhibaan ee golaha deegaanka  Burco badbaadada umadu iyo waxqabadkoodu ,waxaan maanta halkan ka cadaynayaa marka kowaad nadaafadda magaaladu waxay maraysaa  meel khatar ah iyadoo lagu jiro xili roobaad dukhsigii dilaacay .

Marka labaad-na waxaan idiin-cadaynayaa waxqabadkii aanu idiin balanqaadnay oo aan  habayaraatee waxba ka fulin xiligii doorashadda ,sida Wadooyinka ,Bilicda magaalada ,Moosaska biyaha iyo Dhag-xaanta wadooyinka xidhay  . Waxa taasi ka  daran Biyihii roobabka oo xumaaday ayaa xaafadaha magaalada fadhiya oo xiitaa godkii qashinka magaalada lagu qubi-jiray ayaa Xaafadihii soo galay markuu buux-dhaafay kuwaasi oo aan ilaa Toban jeer ka digay intaan u tegay masuuliyiinta fulinta Dawladda Hoose ,balse ay dhagaha ka furaysteen Maayirka ,Maayir Ku xigeenka iyo Xoghayaha Dawladda Hoose o “ Sidaasi ayuu xildhibaanku yidhi.

 Waxaanu intaasi ku daray oo uu ugu baaqay bulshadda reer Burco in ay gudiyo xaafadeed samaystaan oo ay la xisaabtamaan Dawladda Hoose waxaanu yidhi “ Waxaan leeyahay shicibka Qaylo-dhaan sameeya magaaladu in shuban biyood ka dilaaco ayay qarka u saran tahaye maadaama cashuur laydinka qaado ,oo gudiyo xaafadeed  samaysta  oo nala xisaab-tam  anagu xildhibaano ahaan wixii aanu dhibaatooyinka magaalada ka jira ka qaban lahayn Maayirka ,Ku xigeenkiisa iyo Xoghayaha ayay gacanta ugu jirtaa oo ku gudban . “.

 Sidoo kale xildhibaan Cabdirashiid Faarax ayaa shirkan jaraa’id ee uu Saxaafadda ugu waramay ku soo bandhigay Sawiro ay ka muuqanayaan dhibaatooyinka ka jira magaalada Burco ee ay Dawladda Hoose ku fashilantay in ay wax ka qabato isla markaana waxa uu u mahad-naqay mawaadiniin reer Burco ah oo dhawaan ka hadlay dhir dumin gaadhay Biriijyadda Burco kuwaasi oo markii danbe laga guray .

Geesta kale baaqyadda ka dhanka ah waxqabad la'aanta Dawladda Hoose ee Burco   ayaa ku soo beegmay xili golaha deegaanka Burco khilaaf ka dhex jiro.