Abu Hamza Oo Gacmahii Birta Loogu Bedeli Doono Kuwo Caaga Amaanka Darteed

0
654

 

hamseNew York (Geeska/The Sun)- Wadaadka reer Yemen Abu Hamza ee dhowaan loo musaafuriyey Maraykanka ayaa la sheegay in gacmahiisii birta ahaa loogu bedeli doono kuwo caag ah amaanka darteed.

 

Gacmahan caaga ah oo ku kici doona kharash gaadhaya  £12,000, ayaa loo sheegay inta maxkamadiisu socoto uu xidhnaan doono kuwa caaga. Abu Hamza ayaa lagaga reebay gacmahiisii birta ahaa garoonka diyaaradaha New York, halkaa oo ciidamada amaanku cadeeyeen inay halis yihiin, dibna aan loogu soo celin doonin.

Ciidamada amaanka jeelka Manhattan ayaa sheegay inay mamnuucida keentay weerar hore loogu geystay ilaalada gadhfeedh sida birta loo afeeyey.

Wadaadka Hamza oo lagu rakibi doonaa gacmo shaqeynaya wiigaga soo socda, ayaa lagu eedaynayaa ka abuuritaanka argagaxiso  Oregon, iyo ka qeybqaadashada afduubka 16 dalxiise  loogu geystay Yemen.

Doraad ayaa la keenay maxkamad magaca  Mustafa Kamel Mustafa, balse waxuu sheegay inaanu qabin denbiyadaa, waxaanu mar kale maxkamad iman doonaa 26 August sannadka danbe.