Baanka Adduunka Oo Dood Ku Saabsan Maalgelinta Ganacsiga Gaarka Ah Hargeysa Ku Qabtay

0
731

 

aduunkaHargaysa( Geeska )- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylaci ayaa si rasmiya u furay dood Baanka Adduunka, ganacsatada iyo dawladu ay ku sii lafo gurayeen maalgalinta Baanka Adduunku uu siinayo ganacsatada Somaliland.

 

Kulankan ayaa ahaa mid uu Baanka Aduunku ku soo bandhigay daraasado iyo baadhitaano ay ku sameeyeen heerarka kala duwan ee ganacsiyada dalka. Waxaana kulankan ka qayb galay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylaci,wasiirka qorshaynta,wasiiru dawlaha maaliyada, maayarka caasimada, gudoomiyaha baanka, ganacsato iyo masuulliyiin ka socday baanka aduunka.

Wasiirka qorshaynta iyo horumarinta Somaliland Dr.Sacad Cali Shire, oo ugu horayntii kulankaas ka hadlay ayaa Baanka Aduunka soo dhaweeyay, waxaanu si faah-faahsan uga hadlay koritaanka ganacsiyada gaarka loo leeyahay ee Somaliland,waxaanu Baanka Aduunka ka codsaday inay taageero u fidiyaan ganacsiyada gaarka loo leeyahay

Madaxweye ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylaci, ayaa si diiran mar kale u soo dhaweeyay mashaariicdan uu wado Baanka Aduunku, waxaanu ugu baaqay masuuliyiinta Baanka Aduunka inay mashaariicdan si dhaqso ah loo fuliyo oo laga ilaaliyo jiitanka. Waxaan hadaladiisii kamid ahaa “ Runtii barnaamijkan Baanka Aduunka aad banu u soo dhawaynaynaa, maanta inay inoo fududeeyaan qaybaha dawlada intii isku shaqo ah in meel laysugu keeno runtii wax weyn ayay inoo taraysaa, shaqo abuurkan maanta dhibta inagu hayna wax ay inagala qabanayaan, waanad ogtahiin maalmahan  in jaamacadahii ay 2000 oo arday ah ay kolaba soo ka soo baxayaan.” “Waxaanan runtii aad ugu faraxsanahay hawsha badan ee ay inoo qabanayaan,  Bangiga Aduunka waxaan ka cosdasanaynaa inay sidaa ay u soo diyaar garoobeen ay wakhtigaa inuugu soo koobaan, iyada oo runtii aad moodo in mashruucii yar ee la bilaabaaba inuu qaadanaya qakhti aad badan. Anaguna hadaanu nahay dawladii aad iyo aadbaanu u soo dhawaynaynaa wax-qabadkooda iyo isbadalada aynu rabano in aynu ka samayno dhanka dhaqaalaheena, waanu inoo furan tahay doodeenu.”

Bella Bird oo ah agaasimaha Baanka Aduunka ee mashruucan Somaliland laga fulinaayo oo ka hadashay doodaas ayaa ka warantay sida ganacsatada Somaliland ilaa 1991 ay u ahayeen kuwo ganacsigoodu saru kac uu siisamaynaayo, waxaanay sheegtay in Somaliland ay mudantahay in la maalgashado, haweenaydan ugu danbayntii waxay xustay in ay rajaynayso maalgalintan uu Baanka Aduunku siinaayo ganacsatada Somaliland in bulshada reer Somaliland si guud iyo si gaar ahba ay uga faa’idi doonaan.