Kubada Cagta Ee Dabku Madaxana Malagu Ciyaaraa?

0
519

 

Picture1Java (Geeska/DMail)- Horyaalka Ingiriisku waxuu soo jiitaa laacibiinta ugu wanaagsan aduunka, laakiin, kuma ciyaaraan kubado noocan oo kale ah.

 

Taranka kubada dabka ayaa si rasmi ah uga bilaabmay magaalada Java, ee dalka Indonesia, taasoo wakhtiga kulamada oo saacad ah intay socoto lagu ciyaarayo kubado dab ah.

Tartankan kubada dabka ayaa ah mid ka caan ah dugsiyada boodhinka Islaamiga ee barriga magaalada java. Kubadaha tartankan ayaa laga sameeyey qunbe lagu radiyey gaas laba maalmood intaan la shidin.

Qabanqaabiyaha tartankan ayaa sheegay, “Waxaan u dhignaa tartankan kubada dabka si aan u tijaabino kartida ardayda.

Daawadayaashii tartankaa midkood ayaa sheegay, “Nasiib ayey leeyahiin hadaanay in badan u adeegsan madaxooda.”

Daawade kale  Ingiriis u dhashay ayaa sheegay “Inay ula muuqato sidii isagoo daawanaya kooxda qaranka Ingiriiska… ciyaaryahana ma haysanayo kubada wakhti ka badan laba daqiiqadood.”