Abaaraha Somaaliland Iyo Doorashada 2017 W/Q: Khaalid A. Xirsi

0
803

1Waxa dalka ka jirta abaar ba’an oo baahsan oona maraysa xaalad adag saamayn badan ku yeelatay dad iyo duunyaba, islamarkaana aan loo helin gargaar baniaadanimo oo beesha caalamka iyo deeq bixiyayaasha toona balse gurmadka kaliy ee ila hada gaadhay uu tahay mid ay xukumada talada haysa iyo ganacsatada iyo bulshadu gaadhsiyeen, iyado xukuumadu ku guuleysatay inay samayso gudiyo heer qaran iyo heer gobolba ah, inkasta oo ila hada waxa laga qabtay abaarta aanay marnaba u dhigmid baaxada abaarta ee dalka ka jirta ha usi darnaadaan gobolada bari ee Sool iyo Sanaag, iyado waliba aynu maanka ku hayno xag eebe oo roob keeno moyaane in xili robaadki ay ka hadhsan tahay muda afar bilood ah oo roobka ugu horeeya uu insha allahu inoo di’I doono bisha afraad ee apriil isla markaana bulshada qaybaheeda  kala duwan looga baahan yahay inay ka qayb qaataan sidi loogu gurman lahaa dadka abaartu saamaysay.

Sida aynu wada oganahay waxa uu dalku leeyahay hayado mid walba waxa ay qabataa shaqo gooni oo ay qaranka ugu adeegto iyaado leh madax iyo shaqaale howsha iyada ah ka fuliya sidaas oo ah tahay hayada koomishanka doorashayiinka qaranku waxa ay ka mid tahay  hayada dalka ugu muhiimsan una qaabilsan dalka arimaha doorashoyinka, diwaangalinta, xisbiyada,  islamarkaana kooxda ama maamulka hogaamiya oo tiradoodu dhan tahay 7ba xubnood, waxa laga so xulaa dadwaynaha, waxana so xula xisbiyada siyaasada, xukuumada iyo golaha guurtida, sida wakhti xaadirkan oo kale oo sadex xisbi dalka ka jiraan sida Kulmiye, Wadani, Ucid ay so xuleen,

Iyado sidaa tahay waxa inagu soo fool leh Doorashada madaxtooyada oo la qondeeyay in la qabto sanadka 2017 bisha march  isla markaana waxa Xukuumada talada dalka haysa sanadki 2016 ay ku wareejiyay koomishanka doorashoyinka qaranka qadar lacag ah 10 million dollar oo ay ugu talo galaan doorashada madaxtooyada isla marka misaaniyada sanadka 2017kana ay ugu jirto kharashki lagu qaban lahaa doorashooyinka, iyago waliba xukuumda, haday noqoto madaxweynaha qaranka Md Silaanyo iyo golihiisa wasiirada iyo hogaanka xisbiga kulmiye  inbadan ku celceliyen inay la diyaar dihiin wixi makaaniyaad ah ee looga baahdo sidi doorashadu wakhtigeeda ugu qabsoonto.  isla markaana ay qaadhaan bixiyaashi ay la diyaar yihin in ay bixiyaan kharashki ay ugu talo galeen inay ku bixiyaan doorashada Somaliland ee March 2017

Doorashada madaxtooyada sida aynu wada ognahay waxa dib u dhacday muda laba jeer ah isla markaana abaarta dalka ka jirta waxa ay socotay muda laba sano ah,

Hadaba maxa la habooon koomishanka doorashooyinka,  xukuumada talada dalka haysa iyo xisbiyada qarankaba.

Koomishanka dorashooyinka waxa la haboon in doorashada wakhtigeeda ku qabtaan kana so baxaan waajibkooda iyo dhaarti ay dalka u dharteen inay daacad u noqonayaan shaqadoodana ka so baxayan marxalada dalka ka jirtana waxa kaliya ee dalka hore usii wadi kara ay tahay in doorashada wakhtigeeda lagu qabto si horumarki uu dalku kuso talaabsaday mudada 25 sano aynu hore ugu si socono

Dowlada dhexe waxa Iyana la haboon in ay diyaariso wixi arimo ku xidhan haday noqoto kharashka oo imika ay si bixiyeen inta kale qorshaha ugu jirto, balse aan ku mashquulin sidii doorashadu wakhtigeeda ugu dhacdo, islamarkaana gurmad ay horeba ugu gurmatay dadka abaaruhu sameyeen si xoojiyaan  oo imika sida la wado ee gudiyada abaaraha ee heer qaran iyo kuwa goboladuba usii shaqeeyan ulana tacaalaan sidi aay umada ugu gurman laaheeyn wixi tabarucaad ay dowlada, ganacsatada iyo  bulshada kaleba ugu deeqdo sideeda loogu gaadhsiyo lana sameeyo qorshayaal wax ku ool ah oo lagaga hortagi karo abaaraha iyo kuwa lagula tacaali karo marka ay dalka ku habsaadaan abaartu, iyadoo la samaynayo qodobada halkan hoose ku xusan iyo kuwa badanoo  oo ayna noqon uun in dadka lagu caawiyo raashin iyo booyado biyo ah ee loo sameeyo,

In loo qodo ceelal biyood oo tiro badan lagana qodo deeganada ay abaartu aadka u samaysay

In loo sameeyo biyo xidheeno badan  si loogu kaydiyo biyo roobka iyo kuwa ceelasha laga so dhamiyaba

In horumar lagu sameeyo  beeralayda loona qodo ceelal bereedyo lana siiyo seedhadh iyo bacarimayal lagana caawiyo sidi ay u falal lahaayeen beerahooda,

In la sameeyo qorshayaal dadka laga wacyi galiyo sida loga hortago iyo loola tacaalo abaaraha

In deeqaha lacagaha iyo raashinakaba  ee caalamku bixiyo si fiican lo maamulo, lana gaadhsiyo dadka, lana sameeyo meelo lagu kaydiyo si loo isticmaalo marka ay xaladaha adag dalka so foodsaraan

In ay qorshe cad ka samayso dowladu sidi looga hortagi lahaa abaaraha so noqnoqonaya,

Xisbiyada siyaasadana Iyana waxa la gudboon ka qayb qataan horumarka dalka oo aanay noqon uun kuwa ku ololeeya qabyaalada iyo afxumo xukumada talada haysana la xisaabtamaan kana shaqeeye dabana ka rixaan koomishanka doorashooyinka sidi aay doorashadu wakhtigeeda ugu dhici lahayd kana baxaan xisbi hebel Ayaan doorasho doonayn iyo xisbi hebel ayan diyaar u ahayn doorashada kana fogaadaan wixi qarinamada dalka wax yeelaya,

IN DOORASHADA DIB LOO DHIGO IYADO LAGU GABANAYO ABAARAHA DALKA KA JIRA IYO SABAB KALEBA WAXA AY HALIS U TAHAY DUMUQRAADIYADA DALKA IYO WAXQABADKI IYO DADAALKI AYNU UGU JIRNAY IN DALKA LA ICTIRAAFO WAXAANAY MADOW GALIN DOONTAA MUSTAQBAL WADANKAN YAR EE CURDINKA AH

W/Q:  Khalid A. Hirsi

                Hargeisa Somaliland

           Hasskhaled2@gmail.com