Aadan Mirre Waqaf Oo Ka Hadlay Khilaafka Xisbigooda UCID Kala Irdheeyay

0
627

 

waqaf

Hargaysa( Geeska) Garabka xisbiga Ucid ee uu hogaamiyo Aadan Mire Waqaf ayaa shalay ka hadlay khilaafka xisbiga kala irdheeyay iyo arrimo kale oo la xidhiidhsan isla murankaas.

Ugu horayntii waxa shirkaas jaraa’id hadal aad u dheer ka jeediyay Aadan Mire Waqaf, waxaanu ugu horayntii siwayn uga qayliyay wararka ay saxaafadu ka qorayso xisbiga isaga oo ku tilmaamay in aanu xisbiga Ucid u kala jabin laba garab balse koox ka tagtay xisbiga intii kalana isu dhan yihiin, waxaana hadaldiisa kamid ahaa “waxaan shirkan jaraa’id u qabanay waxa maalmahan la leeyahay xisbigii UCID waa laba garab, sidaasina sax maaha waayo Xisbigii Masuuliyiintiisii kala duwanaa iyo guddii fulinta, Xildhibaanadiisii, iyo Gudooomiyeyaashii goboladuba maanta halkanay ku dhan yihiin, waxa naga maqalin waa saddex xubnood oo uu ku jiro Gudoomihii hore, markaas taasi nama qabato” isaga oo Aadan Mire hadaladiisa siiwata waxa uu yidhi “Waxa aan doonaynaa inaan iftiimyo in 27 kii bisha anaga oo fadhina xarunta dhaxe ee Xisbiga oo halkaas ku shirayna ayaa Gudoomiyhii hore oo  wata dad gaadhaya ilaa 27 qof ay rabsahd iyo buuq ka bilaabeen xaruntii xisbiga, waxa dhacday in la dagaalamay oo rabsahdo la sameeyey oo miisyo iyo bakeeriyo ay jajabiyeey oo xitaa ilaa imika ay Moobilo naga maqan yihiin, waxa

halkaas noogu yimid markii dambe Taliye ku xigeenka Booliska iyo Wasiirku Xigeenka Arimaha Gudaha, waxa ay Masuuliyiintaas  goosteen inxarunta xisbiga ay iyagu la wareegaan oo ay xidhaan, markaasay amreenina aanu labadayada dhinacba dibda ugu soo baxno,  Markaanu ka soo baxanay ayaa Gudoomiyihii hore kooxo dhalinyaro ahi ay ku qasbeen hadana inuu dib ugu noqdo Xarunta, booliskii waxa arinkaas noqday mid la yeeble arinkaas iyo in faysal in meesha laga soo saaro waxa qaadatay ilaa kowdii maalimo.”

 

Sida oo kale Aadan Mire Waqaf isga oo ka hadlaya doorka xukumaada ee ay ka qaadan karto khilaafka xisbiga Ucid waxa uu yidhi “Waxaan leehay khilaafka halkaas ka bilaabmay doorka Xukuumada Somaliland waxa ay ahayd inay ilaaliso Nabad galyada, waxa kale waxay noqonayaan hawlo xeer iyo sharci ku saabsan halkaasaaanay ku dhamaanaysaa, waxaanu anagu qoraal u qoranay Komisahnka Doorashooyinka  Qaranka, waxana u maanu qoran Maxkamada sare manay ahayn in aanu u qorano, waayo anagu maanu lahayn wax baa naga maqan iyo waxbaa nagalaga  dhacay, Komishankuna qoral ayey u qoreen Maxkamada sare qoraalkaas oo ahaa inay Maxkmadu Komishanku u soo

cadayso cida ay kala xidhiidhayaan Masuuliyada Xisbiga.”