Xusuuta Murugada Leh Ee Xasuuqii Jasiira

1
746

 

cajeex

Maalimihii itixaadku ka dagaalamayey Gedo ayaa nin itixaad ka mid ahaa oo la yidhaahdo Faarax Xaashi  oo mareexan ah hadda Norway jooga ayaan waxaan ku idhi  maxaad dadka masaakiinta ah ee reer miyiga ah aad u xasuuqeysaan wuxuu igu yidhi adiguba xasuuqbaad samasay waxaan ugu jawaabay nin walba danbigiisa ilaahay ayuu la hortagayaa waxaanay ahaynd 1996.

1998 anigoo xabaalayna nin Nairobi ku dhintey ayaa waxaa ka sheekeeyey arintii jasiira laba nin oo goobtii taagnayd arinkii  ayey si waadaxa uga sheekeeyeen waxaanan u yeedhey faarax xaashi oo goobjoog ahaa , waxaan ku idhi si fiican u dhagayso , si fiican ayuuna u dhagaystay waxaan ku idhi ka waran arintii aad igu tidhi 1996 , raali iga ahoow ayuuna yidhi ilaahay ayaad la hortagi ayuuna iigu jawaabey .

Waxaad  sheegtay in aanad waxba ka ogeyn xasuuqii Jaziira,  Haddaba waxa jira wiil ka badbaaday oo Magacaaga sheegay, taasi oo ah sida qudha ee lagu ogaaday, Maxaad u malaynaysaa hadaa sababta uu ninkaasi magacaaga u maqlay habeenkaas xasuuqa ama uu adiga oo qudha u xasuustay magacaaga?

Wiilka aad sheegteen waxaan arkay waraysi uu bixiyay 2001 isagoo kuwait jooga uuna siiyay jariidada maandeeq ,wuxuu yidhi:anaga  oo hurudna goor habeen badhkii ah ayaa waxaa noo yimid ciidan koofiyad cas ah waxay nagu soo kaxeeyeen go’yaashii aan qabnay anaga oo argagagsan wax dhibaato ah ay noo gaysteen waxaa naloo kaxeeyay meeshii ay masiibadu ka dhacday waxaana ku dhex dhuuntay dad mayd ah,marka waa bilaahi idinkaan idin waydiiyay  ninkaasu muxuu ka ogaan karaa cid wadatay ciidankaas meel waajib laga soo siiyay sidee se ku helay magacayga iyo inaan ciidanka watay? anigu waxaan dhihi karaa ninkaasu wuxuu ahaa mayd noole ,haddiise uu ninkaasu wax xaqiiq ah hayo soo kaxee si uu uga markhaati furo oo igu cadeeyo inaan ciidanka anigu taliyahiisii ahaa maxkamad horteed.

Xasuuqan lama ogaadeen hadii aan wiilkaasi ka badbaadin habeenkaas,  Maadama aad xukuumada gaar ahaan ciidnka ku jirtay sarkaalna aad ahayd sidee bay saraakiishii iyo dowlada inteedii kalaba u arkeen markay maqleen xasuuqii Jaziira?

Arintan argagax bay wadanka oo dhan gelisay waxayna soo dedejisay burburkii dowlada Somaaliyeed ee markaas telinaysay,waxayna noqotay qaadan waa,dadka badankiisna maba rumaysan dhicitaankeeda.

Maadaama adigu aad tidhi kumaan jirin  Saraakiishii xasuuqa geysatay marna arintan wax ma ka weeydiisay sideey  u arkayeen markaas iyo ka dib sideey u arkayeen falkii foosha xumaa ee ay geysteen?

Horta aniga markiiba waxaa ila ii bedelay Hargeysa laakiin intaan ogaa jaha wareer ayay ku jirtay oo dadka intiisa badanba waxay u qaaten waxaan dhici karin oo dacaayad ah,xataa kuwa la leeyahay way gaysteen waxaan qabaa in waa ku beryay,waayo waxay galeen fawaaxish weyn,oo nidaamka dowliga ah ku xun….Dhammaad.

Comments are closed.