Hargeysa (Geeska) – Barnaamijka Kalkaal Ee Hay’adda Mercy Corps Oo Xoogga Saaraya Harumarka Dhalinyaradda Somaliland, ayaa da’yarta Somaliland fursado u siiyey inay helaan waxbarasho abuurta rejo iyo mustaqbal wanaagsan, tanna waxay imanaysaa muddo labaatan sanadood ah oo ay Somaliland ku soo jirtay horumar dhinacyo badan leh oo ay ku xaqiijinayeen in ay kaga baxaan xaalado adag oo wadanku soo maray mudadaa ka hor.
Hay’adda deeqaha Maraykanka ee USAID ayaa waxay maalgelineysay kobaca iyo harumarka arrimaha dhallinyarada iyadoo u sii marinaysa mashruuca KALKAAL oo ah barnaamij ay wadajir u horkacayaan ha’adda Mercy Corps iyo wasaarada waxbarashadu ayna ku weheliyaan oo ay kala shaqeeyaan hay’adaha kale sida Save the Children, Care, iyo wasaaradaha dhalinyaradda, ciyaaraha iyo dalxiiska iyo wasaarada Shaqada iyo arrimaha bulshada ee Somaliland.
Qaar ka mid ah dhalinyartii tababarrada la siiyey (Mashruuca SYLI)
Barnaamijkan oo mudadiisu tahay shan sannadood ayaa ujeedadiisu tahay in la sameeyo fursaddo waxbarasho oo dhammeystiran oo ay u siman yihiin gabdhaha iyo wiilasha Somaliland, bulshadda iyo saraakiisha wasaarada waxbarashadda, macalimiinta iyo maamulayaasha dugsiyada.
Barnaamijka Kalkaal, ayaa waxa qorshihiisa ka mid ah in la dhiso ama la dayactirayo dugsiyadda, la tababarayo macalimiinta, la kobcinayo xirfadda dhallinyarada korna loo qaadayo ka qayb qaadashadooda arrimaha waxbarasho ee bulshadda. Wuxuuna ka caawinayaa dadka reer Somaliland inay dhistaan aasaas iftiimaya oo u jihaysan mustaqbal harumarsan, iyadda oo ilaa maanta dugsiyada sare loo dhisay ama la dayactiray 56 fasal iyo 47 suuli. Sidoo kalena waxa dhigta dugsiyadda sare oo uu taageero barnaamijka KALKAAL in ka badan 9000 oo arday ah.
Waxa intaasi dheer gacansiin barnaamijka waxbarasho ee hablaha ku dhiirigalinaya inay dhamaystaan tacliintooda.
Barnaamijka KALKAAL waxa uu waxbarasho macalinimo oo laba sannadood jaamacada Camuud ku baraa 50 haween ah ama hablo. Kuwaas oo wax ka dhigidoona dugsiyada sare marka ay waxbarashadooda dhmaystaan. Taasina waxay dhiirigelin u noqondoontaa gabdhaha dugsiyadda sare dhigta ee u baahan in lagu dhiiri geliyo in ay waxbarashadooda dhamaystaan. Sidaa daraadeed talaabadana maaha oo kaliya inay yareenayso faraqii jinsiyeed ee macalimiinta, waxay keenaysaa inay habluhu sii wataan tacliintooda dugsiyada sare ilaa heer jaamacadeed, sida uu leeyahay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Maxamed Xassan Ibraahim “Aad bey muhiim u tahay in la helo macalimiin badan oo haween ah, waxaan kaloo u baahan innaan u samayno fursaddo shaqo oo badan”
Mashruucu wuxuu kor u qaadayaa ka qayb qaadashada gabdhaha ee waxbarashada iyada oo lala shaqaynayo gudiyo waxbarasho oo hablo ah iyo guddiyo haween oo heer gobol ah oo dhawaan la dhisay, sidoo kale KALKAAL wuxuu ka qayb qaataa sameynta gudiyada haweenka bulshada kuwaasoo talooyin iyo tilmaan ay ku dhiirigelinayaan waxbarashada hablaha siiya hablaha dugsiyada sare dhigta iyaga oo u sii mariya talooyinka guddiyo ka kooban hablo oo ka dhisan dugsiyada uu KALKAAL gacanta siiyo.
Saciida Cawaale, oo ka mid ah hablaha la tababarayo ayaa muujisay sida ay diyaarka ugu tahay inay buuxiso doorka la doonayo in haweenku ku yeeshaan Waxbarashada “Waxaan doonayaa innaan u noqdo bulshadeyda qof lagu daydo. Waxaan rabaa innaan macalimad noqdo, si aan u dhiiri geliyo jiilka gabdhaha mustaqbalka” waxa tidhi Saciida iyadda oo muujinaysa sida ay ugu faraxsan tahay Barnaamijka Tababarka ah ee Kalkaal. Waxana jirta in Wasaaradda Waxbarashadu heshiis ku saxeexday inay shaqo siinayso 50ka hablood oo waxbarashada Kalkaal u socoto markay dhamaystaan waxbarashada..
Sida Saciido hablaha ugu dhiirigalinayso inay Macalimiin noqdaan, ka dib qalin-jabintooda, ayaa dhismayaasha dugsiyaduna fursad u yihiin korodhka dhalinyarada wax baranaysa, barnaamijka Kalkaal ee Hay’adda Mercy Corps na u yahay mid kaalintaasi u taagan, sida uu qabo Agaasimaha guud ee Wasaaradda waxbarashada “Mashruucyada sida KALKAAL aad bey muhiim ugu yihiin inay kor u qaadan arimo badan ee bulsho . Horumarinta tayada waxbarashada dugsiga sare ee Somaliland waxay ku timid waa gacanta laga hello bulshada dugsiga”ayuu yidhi, iyada oo doorka Kalkaal buuxinayo loo soo qaadan karo Magaalada Gabiley oo hore u lahayd hal dugsi sare oo kaliya isla-markaana mid labaad oo loo dhisayaana aanu dhammaanin, ayada oo sababtu tahay in ardayda qaar ka mid ahi iskaga baxaan dugsiga, iyada ooy ugu wacan tahay hablaha oon haysan meelo munaasab ah oo ay ku nastaan. KALKAAL wuxuu wax ka tari doonaa in ay gabdhahu sii wataan waxbarashadooda dugsiga sare.
Dhanka kale, marka la raaco warbixinta wasaarada qorshaynta qaranka iyo ta dallada ururrada dhalinyarada Somaliland ee SONYO, waxa dhalinyarada aan shaqayn tiradoodu gaadhaysaa boqolkiiba 75, Taasina waa ta keentay inay dhallinyaro badani tahriibaan. Tarhriibkuna wuxuu saameyn taban ku leeyahay horumarinta bulshada iyo dhaqaalaha Somaliland maadaama xoogii iyo maskaxdii waddanku ay baxayaan. Balse KALKAAL wuxuu gacan ka geystaa hirgelinta xirfado dhalinyaro oo kala gedisan iyadoo la isticmaalayo fursado tababaro xirfadeedyo iyo tababaro kor loogu qaadayo wacyigooga la xidhiidha shaqo samaynta iyo aqoon iswaydaarsiyo ay dhallinyaradu la yeelato ganacsatada, taasina waxay imanaysaa xili dhalinyarada dalka joogtaa aad u badan yihiin, sida uu leeyahay agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashadu “Tirada dhalinyarada jooga Somaliland aad bay u sareysaa, waxayna si firfircoon ugu xidhan yihiin arrimaha siyaasada, bulsho iyo dhaqaale iyaga oo iska ilaaliya inay dib ugu dhacaan dabeecadaha burburka keeni kara”
KALKAAL waxa kale oo uu fiiro gaar ah siiyaa dhalinyarada aan helin fursad waxbarshada dugsiyada.. Ilaa hadda 622 dhalinyaro ah ayaa dhameeyey waxbarasho qoris/akhris iyo xisaab aasaasi ah oo ku salaysan barnaamijyada waxbarashada dadka waaweyn aan fursado waxbarasho helin, xirfadaha isticmaalista kombiyuutarada iyo maamulka dhaqaalaha. Intaas waxa dheer 788 dhalinyaro ayaa dhawaan laga qoray mid ka mid ah barnaamijyadan oo iyagana loogu talo galay inay ku dhamaystaan muddo 9 bilood gudahood ah, iyadda oo hore dhallinyaradii fursadan u heshay ka midho dhaliyeen oo ay dheefsadaan xirfadaha kaluumaysiga, farsamada gaadhiyaasha, cunto karinta, najaarada, samaynta qalabka alluminium-ka, qurxinta haweenka, dhar tolida iyo midabaynta dharka.
Ardayda cusub ee Barnaamijka Kalkaal ka faa’ideysanaya waxa ka mid ah Muna Muuse oo da’deedu tahay 19-jir, taasi oo markii hore ahayd qof aan wax baran isla-markaana tababarka ka hor aan aqoon sida qalinka loo qabto, ayaa maanta ah gabadh waxna akhriyi karta waxna qori karta, waxayna sheegtay inay qorshaysatay inay ka qayb-qaadato tababaro kale oo ay aqoonteeda kor ugu qaadayso mustaqbalka dhaw.
Barnaamijka KALKAAL, wuxuu ka socdaa dhammaan gobollada dalka Somaliland oo ay weheliyaan magaalo madaxyada gobolada sida Hargeisa, Burco, Berbera, Borama, Erigabo and Laascaanood