6 Ton Oo Ahaa Majaladaha Dhaqan Xumada Ka Warama Oo Uu Qolkiisa Ku Urursaday Ayaa Ku Soo Dumay Oo Dilay

0
725

Tokyo (Geeska)- Nin Konton sano jir ahaa oo u dhashay dalka Jabbaan ayaa u dhintay jacayl xad dahaf ah oo uu u qabay akhriska iyo urursashada majaladaha ka faallooda arrimaha jinsiga iyo dhaqan xumada la xidhiidha, kadib markii majaladahan oo marka uu akhristo uu qolkiisa ku ururin jiray ay aakhirkii madaxa kaga soo dumay.

Ninkan oo 50 jir ahaa ayaa qolka laga dhex helay maydkiisa oo ku hoos aasmay 6 Ton oo majaladaha uu urursaday ah. Wargeyska The Mirror ee ka soo baxa dalka Ingiriiska oo uu Geeska Afrika warkan ka soo xigtay ayaa ku warramay in ninkan maydkiisa la helay markii uu albaabka qolka ku soo jebiyey ninkii guriga lahaa oo muddo dheer kiradii ka waayey ninkan isla markaana aanu wejigiisa arkin muddo.

Koox shaqaalaha nadaafadda ah oo loo soo kireeyey in ay waraaqaha isku dumay ka soo nadiifiyaan qolka  ayaa helay maydka ninkan ku hoos jiray oo ahaa makaanig baabuurta dayactirkooda ku shaqaysta oo lagu magacaabi jiray Joji.

Ninkan u dhintay jacaylka uu u qabay urursashada majaladaha dhaqan xumada soo bandhiga ayaa la sheegay in uu geeriyooday lix bilood ka hor markan maydkiisa la helay, muddadaasna uu ku hoos jiray waraaqaha majaladaha ku soo dumay.