0
300

Cummaan: Sooyaalka Iyo Nidaamka Saldanadda, Qaabka Kursiga Loo Kala Dhaxlo Iyo Awoodda Suldaanka (Q.1)

Masqat (Geeska)- Qormadan waxa aynu si guud mar ah ugu eegaynaa dalka Cummaan oo maalmihii u dambeeyey wararkiisu warbaahinta ku jireen, kaddib markii uu geeriyooday boqorkii dalkaas, Suldaan Qaabuus bin Saciid Aala-Saciid oo talinayey muddo 50 sano ah.

Dhulka

Cummaan, waa dal Carbeed oo dhaca koonfurta-bari ee gacanka Carabta oo ah galbeedka qaaradda Aasiya. Waxa uu juqraafi ahaan dhacaa dhul aad u istaraatijiya, waxa uu xuduud berri ah la wadaagaa dalalka Imaaraadka Carabta iyo Sucuudiga, dhinaca baddana waxa uu deris kala yahay Iiraan iyo Pakistan. Waxa aanu kulaalayaa marin biyoodka aadka muhiimka u ah ee Hormoos oo uu dalka Iiraan oo keliya la wadaago.

Cummaan waxa lagu tirayaa dhulalka muddo aad u dheer aadamuhu ku noolaa. Tusaale ahaan waxa cilmibaadhiso raad raac oo lagu sameeye yayaa lagu ogaaday in ay nololi ka jirtay 106 kun oo sano ka hor, dad ku isirnaa Nuubiyiinta oo deegaankooda asalka ahi ahaa xeelliga webiga Niilka iyo meelo ka mid ah woqooyi Afrika.

Diinta

Sida ku cad qiyaastii u dambaysay ee ay qaramada midoobay samaysay bishii noofambar 2019 kii, tirada dadka Cumaan waa 4 milyan 829 kun iyo 473 qof. Laakiin boqolkiiba 45.1 oo ah ku dhowaad 2 Milyan iyo 10 kun oo ka mid ahi waa dad aanu asalkoodu ahayn Cummaaniyiin oo ah soogalayti muwaadiniin noqday oo ka soo jeeda dalal u badan Pakistan, Hindiya, Bangladesh, Iiraan, Siri Lanka, Filibiin, Masar, Urdun iyo dalal kale oo ka mid ah Bariga Aasiya.

Arrimaha uu dalkani kaga duwan yahay in badan oo dunida ka mid ah waxaa ka mid ah in raggu ay aad uga badan yihiin dumarka, iyada oo lagu qiyaaso in boqolkiiba 65 ay muwaadiniinta Cummaaniyiintu yihiin rag. Laakiin arrintan waxaa lagu sababeeyaa in dadka aan soogalaytiga ah ee boqolkiiba 45.1 ka ah bulshada Cummaan ay yihiin dad xoogsato rag u badan ah oo aan qoysaskooda keenin dalka, sidaa awgeed soogalaytigaasi ay boqolkiiba 84 rag yihiin.

Waa dal Muslim ah oo sida lagu sheegay diiwaanka Oxford ee dunida Islaamka ee casriga ah ay dadkiisu boqolkiiba 40 illaa 45 aaminsan yihiin mad-hab lagu magacaabo ‘Al-Ibaadiya’ oo lagu tiriyo shiicada, laakiin ay wax badan ku kala fog yihiin, isla markaana dadka aaminsani ay isku tiriyaan in ay Shiicada iyo sunnigaba ka madax bannaan yihiin. wadarta Muslimiintu waa boqolkiiba 86. Waxaa jira masiixiyiin uu machadka PEW sannadkii 2010 ka ku qiyaasay in ay boqolkiiba 6.5 gaadhayaan. Inta soo hadhay oo ah boqolkiiba 7.5 waxa ay u qaybsan yihiin Hinduu, Buudhism, Yuhuud boqolkiiba 0.1 ka yar iyo boqolkiiba 0.2 aan diin haysan. Dadka aan muslimiinta ahayn, marka laga reebo Yuhuudda oo iyagu deegaan ah, inta kale waxa ay u badan yihiin soogalaytiga gaar ahaan kuwa salkoodu ka soo jeedo Hindiya, Filibiin iyo dalal reer galbeedka ka mid ah. Dadka inta soo hadhayna waa Sunni iyo Shiico iyo tiro aad u yar oo aan diin haysan.

Dawladda

Istaraatijiyadeeda dhuleed iyo xadaarad guun ah oo ay leedahay awgeed Cummaan waxa ay ka mid ahayd dhulkii gumaystayaasha reer galbeedku u taag waayeen in ay la wareegaan xilliyadii hore ee dhul ballaadhsiga, inkasta oo uu Bortuqiisku mar muddo haystay, mar dambana uu Ingiriisku maxmiyad ahaan u joogay. Haddana waxa ay leedahay taariikh dhan oo ah in ay iyadu ka mid ahayd imbaraadooriyadihii dhul ballaadhsiga ku tegey meelo badan oo Aasiya iyo Afrika ka mid ah.

Imbaraadooriyadda Cummaan oo dhinaca badda awoodeedu u badnayd waxa ay ka talisay ama saamayn ku yeelatay awoodda maamul ee gacanka Beershiya iyo badweynta Hindiya. Qarninigii 19 naad oo ahaa maalmihii ugu wacnaa imaraadoyaradaasi waxa ay waxa ay si buuxda u maamulaysay marin biyoodka Hormoos, Iiraan, Pakistan, Bariga Afrika iyo xitaa meelo ka mid ah cidhifka koonfureed ee Afrika.

Laakiin markii uu dhintay Imbaraadoorkii awoodda badnaa ee Saciid Bin Sultaan sannadkii 1856 kii, waxaa is qabsaday wiilashii dhaxalsugayaasha ahaa oo ugu dambayntii saldanaddii u kala dhambalay laba garab oo waaweyn. Waa garab uu hoggaaminayey Maajid bin Saciid oo la go’ay qaybtii uu markaas maamulayey oo fadhigeeda ugu muhiimsani ahaa jasiirada Sensibaar ee badweynta Hindiya oo raacsan bariga Afrika, taas oo loo bixiyey Saldanadda Sinsibaar. Waxaa sida oo kale ka mid ahaa xeebaha Kenya, Tansaaniya iyo illaa Soomaaliya, qaybaheeda badweynta hindiya ee Koonfurta. Qaybtii kalana waxa ay ku hadhay dhulka ay hadda Cummaan ka taliso iyo Aasiya. Taas oo la baxday saldanadda Masqad iyo Cummaan, hoggaamiyaheeduna ahaa Thuwayni Bin Saciid.

Rifan ka dhashay qaybsankii qoyska Imbaraadooriyadda ayaana ugu dambayntii gacantooda ku soo ururiyey dhulka hadda ee markii dambe Cummaan loo bixiyey.

Imika dalka Saldanadda Cummaan waxaa ka taliya nidaam boqortooyo oo sees adag ku leh Imbaraadooriyaddaas. Waxa aanay nidaamkood u isticmaalaan ereyga saldanad oo ay kala soo guureen nidaamkoodii maamul ee hiddaha iyo dhaqanka. Sidaa awgeed waxaa dalka hoggaamiya Suldaan.

Suldaan Qaabuus

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.