Magacyada Lixda Qof Ee Qisaasta Lagu Filiyay Iyo Lida  Ruux Ee Ay Hore U Dileen

0
348

 

Mandheera(Geeska)-Lix ka mid ah maxaabiista dilka u xidhan ee ku jiray xabsiyada ayaa lagu fuliyay qisaas sida lagu cadeeyay war uu soo saaray  xeer ilaaliyaha guud ee JSL  Xasan Axmed Aadan, waxaana qisaastan lagu fuliyay meel aan ka fogayn jeelka Mandheera shalay subaxii hore.

Xeer ilaaliyaha guud ayaa soo saaray lixda qof iyo lixda ruux ee loo haystay inay hore u dileen, waxaana ku dhacay xukuno maxkamadeed oo rasmi ah.

Qoraalka xeer ilaaliyaha guud Xasan Axmed waxa uu u dhignaa sidan “ Iyadoo la fulinaayo amarka maxkamad sarre waxaa , saaka [shalay] oo ay tahay bishu 15/01/2020 saacadu markay ahayd 7:45 daqiiqo waxaa Dil toogasho ah lagu fuliyay Gacan ku Dhiiglayaashan hoos ku xusan.

1: Gacan ku dhiigle Axmad Ibraahin Faarax. Ina Aamina Maxamed , kaas oo loo qisaasay dilkii uu u gaystay EX-ASK-pol marxuun Maxamed Cabdi Saleebaan.

2: Gacan ku dhiigle Xasan Muxumad Cismaan Ina shukri Yuusuf, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun ismaaciil Faarax Maxamad.

3: Gacan kudhiigle khadar Aleel Xirsi Ina maryan Cumar, kaas oo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Siyaad Cabdi Muxumad .

4: Gacan ku dhiigle Farxaan Maxamad Xasan Ina khadiija khaliil, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Ibraahin Axmad Muuse.

5: Gacan ku dhiigle Caydaruus Khadar Haybe ina Shahmaad Careef, kaas oo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Idiris Daa’uud Jaamac .

6: Gacan ku dhiigle Cabdilaahi Ismaaciil Xayd ina Faadumo Cali, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Garaad Aadan Maxamad.

Goobta_Qisaasta
Waxaa dilkaasToogashada Qisaasta ah lagu Fuliyey Goob fagaare ah Taas oo ka soo Horjeeda Xabsiga Mandheera.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.