Wasiirka Distoorka Oo Beeniyay Inuu Socdaal Qarsoodi Ah Ku Tagay Israa’iil

0
728

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka distoorka iyo arrimaha Baarlamaanka Maxamed Xaaji Aaden, ayaa been abuur ku tilmaamay warar lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegaya inuu socdaal qarsoodi ah ku tagay Israaiil.

Wasiir Maxamed, oo shalay hadal ka jeediyay kulan ka dhacay hoteelka Maansoor, wuxuu sheegay inay been abuur tahay inuu qarsoodi ku tagay Israa’iil “Wax saafadda ku wareegayay Wasiirka distoorku israa’iil ayuu ka degay, horta anigu Somaliland ayaan joogaaye waxaan u sheegaya waxaynu qorayno iyo waxaynu akhriyayno  waa la is weydiinayaa adduun iyo aakhirabee inaynu wax sax ah qorno, waana wax lala yaabo runtii in qof miyir qaba ama hayado ay iska abuuraan.” Ayuu yidhi Wasiir Maxamed.

Maalmihii u dambeeyay waxa baraha bulshada oo isugu jira kuwo Somaliland ah iyo kuwo shisheeye ahba dhex wareegayay in Wasiirku socdaal qarsoodi ah ku tagay Israa’iil.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here