Golaha Wakiilada Oo Dib U Celiyay Xeerkii Kootada Ee Haweenka Iyo Dadka Laga Tirada Badanyahay

0
547

 

labaHargaysa ( Geeska )- Mudanayaasha golaha Wakiilada  ayaa dood ka yeeshay tallo soo jeedin Madaxwayne Axmed Siilaanyo hore ugu gudbiyey Guddida arimaha gudaha iyo difaaca Wakiilada, taasi oo ku talinaysay in kooto cayiman golayaasha Wakiilada, deegaanka iyo Guurtida looga sameeyo haweenka iyo dadka la hayb sooco.

Tallo soo jeedintan Madaxwaynaha Somaliland u gudbiyey Golaha Wakiilada oo ay soo diyaariyeen guddi uu hore ugu saaray inay qiimayn ku soo sameeyaan baahida haweenka iyo dadka laga tiradda badan yahay u qabaan in kooto loo xidho, ayaa Mudanayaasha Wakiilada ee doodiisa ka qayb-galay guud ahaantood isku raaceen in dib loogu  celiyo xeerkaas guddi hoosaadka arrimaha gudaha. Mudanayaasha Wakiilada ee ka qayb-galay dooda goluhu ka yeeshay tallo soo jeedintan ayaa ku dooday in dastuurka dalku aanu ogolayn in cid gaar ah kooto looga xidho hay’adaha qaranka, sidaa daraadeedna ay muhiim tahay in dib loo celiyo.

Xeerkan oo fikrado kala duwan ay ka soo jeediyeen xildhibaaadu ayaa isugu biyo shubtay in lagu celiyo gudi hoosaadka golahaas. Laakiin fadhigii shalay ee golaha waxa hadalo xiiso badan isweydaarsaday laba xildhibaan oo midi yahay Xildhibaan Cali Ibrahim Aareeye, midina tahay xildhibaanad Baar Siciid. Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahin Aareeye ayaa isagu dhankiisa mar uu fikirka uu xeerkan ka qabo ka hadlaayay waxa uu ku tilmaamay xeerkan mid haweenka guryahooda ka soo saaraya, halka xildhibaan Baar oo fikirkeed ka dhiibtay xeerkan ay aad u difaacday, soona jeedisay in si dhaqso ah loo meelmariyo, si doorashadan golaha deegaanka ee fooda inagu soo haysa uu u dhaqangalo, xildhibaan Baar waxa ay ku tilmaamtay fikirka Xildhibaan Aareeye  mid hinaasaysan, waxaany ugu qaabday raga ay ugu yeedhay hinaasiyiin in aanay haweenkoodu ka soo baxin.

Ugu horayntii xildhibaan Aareeye oo fikirkiisa xeerkan kootada Haweenka ka dhiibanaya waxa uu yidhi “Xeerkan waxaan anigu u arkaa, mid aan macquul ahayn, oo aanay qurux badnayn in la horkeeno golaha iyo dalkaba, xeerkan waxaan leeyahay haddii dalka loo sameeyo in aynu  masuuliyadiisa qaadayno oo ay afooyinkeenu meelksata tagayaan, oo haddii loo fasaxo ay dadkani noqonayaan kuwo guryahii ka soo baxay, waxaanay dumarku ku wanaagsan yahiin gurayhooda, Haddii xeerkan uu dhaqan galo masuuliyadeeda waxa la waydiinayaa golaheenan jooga.”

Xildhibaan Baar Saciid aya iyadu dhankeeda waxa ay sidan oo kale meel adag iska taagtay mleemarinta xeerkan oo ay ku tilmaamtay mid muhiim ah “ Waxaan u malaynayaa inuu u eekaan doono sharciga  golahu la jiifiyaana banaan haddii xeerkan lays hortaago, waxa dhacday in xeerkii dhalinyarada aynu asaxinay oo aynu dhalinyaradii ku soo darnay siyaasada, waxa uu madaxwyenahi xeerkan kootada u saaray guddi ka soo talisay, haddii aanu ajandaha ku jirina idinkaa ka saaray( Shirgudoonka ), waxan ku talinayaa in xeerkan ajandaha lagu soo daro doorashadiina way joogtaa, ninka leh dumarbaa dibada u soo baxaayana waxaan leeyahay ninkii hinaasiyoow yaanay gabadhaadu kaa soo bixin.”

Ugu danbayntii gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada oo isagu shir gudoominayay fadhigan ayaa ku dhawaaqay in xeerkan kootada Haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay dib loogu celiyo gudida hoosaadka arimaha gudaha ee golaha golahaas, si  loo soo waafajiyo xeerka doorashooyinka ee xeer 20.

Dhanka kale, qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka beelaha la hayb-sooco oo ku sugnaa barxada hore ee golaha Wakiilada wakhtiga doodani socotay isla-markaana hore u saluugsanaa tirada xildhibaanada tallo soo jeedintani uga qorshaysay Golayaasha Wakiilada, Guurtida iyo deegaanada ayaa soo dhaweeyayin dib loo celiyo, iyagga oo sheegay in aanay markii horeba xaq ahayn.