Riyaad (Geeska)- Muwaadin u dhashay dalka Sucuudiga oo lagu magacaabo Cabdallah Qahaar ayaa helay macallinkiisii dugsiga hoose oo uu raadinayey muddo 41 sano ah.
War uu Geeska Afrika turjumay oo lagu baahiyey Shabakadda Al-Carabiya ayaa sheegaya in Cabdallaah Qahaar uu muddadaas Nus Qarniga ku dhow si aan kala joogsi lahayn u raadiyey macallinkan oo asal ahaan ka soo jeeday dalka Masar, laakiin waqtigaas uu macallinka u aha aka shaqaynayey Masar. Qahaar meelkasta waa uu ka raadiyey shakhsi kasta oo Masaari ahna waa uu weydiiyey macallinkan, illaa heer uu sheegay in uu mar isku dayey in uu madaxweynaha dalka Masar Cabdafataax Siisi u diro warqad uu kaga codsanayo in uu ka caawiyo raadinta macallinkan. Laakiin aakhirkii waxauu warka macallinkiisa ka helay meel aanu intii hore ka filayn oo ah barta Facebook, kadib markii ay barkulankan bulsho ee internet ka iska heleen nin lagu magacaabo Amiin Masluub oo ay ka wada mid ahaayeen ardaydii macallinkan, markii uu ka waraystayna uu ka helay xogta macallinka iyo weliba halka laga helayo, markii uu xogta helayna uu u safray dalka Masar si uu u soo arko macallinkiisan uu raadinayey muddada tobannaanka sano ahayd.
Cabdallah Qahaar ayaa sheegay in uu aad ugu farxay aragtida macallinkiisa, iyada oo isla markii uu arkay macallinka wixii koowaad ee uu sameeyey ahaa in uu talefan u diro xaaskiisa oo Sucuudiga uu kaga yimid, kana codsado in ay sida ugu dhaqsaha badan ugu soo safarto dalka Masar si ay iyaduna ula qaybsato farxadda aragtida macallinkiisan oo uu sheegay in uu yahay ruuxa leh abaalka ugu weyn ee waxbarashadiisa, iyo shakhsiyaddiisaba. Qahaar waxa uu sheegay in macallinkani uu yahay kii baray, Xuruufta Afkacarabiga (Alif beetada), salaadda iyo Quraanka. Isaga oo intaas ku daray in uu macallinkani sida ilmihiisa oo kale u daryeeli jiray, sida oo uu aabihii yahayna uladhaqmi jiray, sidaa awgeed uu qalbigiisa ku yeeshay dareen aad u xooggan oo waalidnimo iyo ixtiraam aan xad lahayn.
Qahaar oo maalmo badan ku soo qaatay guriga macallinkiisa oo haatan aad u gaboobay, ayaa sheegay in uu imika mar haddii uu helay macallinka uu si joogto ah ula soo xidhiidhi doono, sannad kastana laba jeer dalka Masar u safri doono si uu u soo arko, isaga oo sidoo kalaa mid mid u soo bartay macallika ubadkiisa iyo xubnaha qoyskiisa.
Qahaar oo ay tahay markii ugu horreysay ee uu Masar tago ayaa sheegay in hadda kadib uu ka dhigan doono dal ayu joogaan,walaallo,qoys iyo aabbo.