Dadka Facebook Isticmaala Oo Gaadhay 1.71 Bilyan Iyo Faa’idooyinka Uu Helay Oo Boqolkiiba 59 Ka Kordhay

0
1184

wwwwwwwwWashington (Geeska)- Dakhli xilliyeedka shirkadda Facebook ayaa sannadkan boqolkiiba 59 ka kordhay intii ay hore u sii saadaalisay sayladda caalamiga ah ee Wall Street, taas oo sababteedu ay tahay tirada bar-kulankan bulsho ku soo biiraya, gaar ahaan kuwa kaga soo biiraya dhinaca talefannada casriga ah ee gacanta lagu qaato iyo kuwa xiisaynaya barnaamijka daawashada tooska ah ee lagu soo kordhiyey Facebook  ayaa si aad ah u sii kordhay, taas oo iyaduna soo jiidatay dadka xayeysiisyada doonaya oo u arkay in ay bogagga Facebook ka helayaan dad badan oo arka ama akhrista adeegyada iyo badeecadaha ay xayeysiinayaan.

Maamulka shirkadda Facebook ayaa xaqiijiyey in rubuc bilowgii hore ee sannadkan (Afartii bilood ee hore) ay shirkaddu heshay dalkhi dhan 6.44 Bilyan oo doolarka Maryakanka ah iyo 2.05 Bilyan oo ah faa’idada laga filan karo hawl-socodka la arkay muddadaas, waxa aanay faa’idooyinkani boqolkiiba 59 ka badan yihiin kuwii rubuc bilowga (Afartii bilood ee hore) sannadkii hore la faa’iday.

Facebook oo leh barkulanka bulsho ee dunida oo dhan ugu ballaadhan waxa kale oo ay sheegtay in laga soo bilaabo 30 kii bishii Lixaad ee sannadkan tirada dadka isticmaala facebook ay bil kasta celcelis ahaan gaadheen 1.71 Bilyan oo adeegsade,  taas oo iyaduna boqolkiiba 15 ka badan tirada sannadkii hore isla bilahan oo kale adeegsan jirtay.

Shirkadda oo sii kala saartay aaladaha kala duwan ee macaamiisheedu kaga xidhan yihiin ayaa shaacisay in talefannada gacanta iyo aaladaha kale ee gacanta lagu qaato sida iPad iyo Tablets ka, ay sannadkan dhaaftay Hal Milyan oo adeegsade maalin kasta, tiradaas oo haddii ay sidaas u sii socota keenaysa in sannadka dambe macaamiisha Facebook ay gaadhi doonaan Laba Bilyan oo ruux oo u dhigan in dadka dunida ku nool boqolkiiba 27 iyo ka badani ay isticmaalaan facebook.

Facebook ayaa aad uga faa’ida xayeysiisyada ganacsiga oo muddooyinkan dambe aad ugu soo badanaya kadib markii ganacsatada kala duwani ay ogaadeen in dadka ay gaadhaan xayeysiisyada Talefishannada, websites ka iyo talefannada casriga ahi ay aad uga yar yihiin tirada dadka uu facebook halkii ilbidhiqsiba gaadhsiin karo. Dhinaca kalana Facebook waxa ay waddaa is ballaadhin dhinacyo badan oo ay ka mid tahay in ay galaan suuqa Fiidyowga, waxa aanay muddooyinkii u dambeeyey tartartan adag kula jirtay shirkadaha Snap Shot iyo Youtube oo iyagu hore ugu haystay suuqa Fiidyowga faafintiisa.