Sirta Geerida Yar: Maxaa Jidhkeenna Ku Dhaca Marka Aynu Seexanno, Maxaa Se Sabab U Ah? (Q. 2)

0
1483

1Hargeysa (Geeska)- Qormadan uu Geeska Afrika ka soo xigtay Al-Jazeera oo ah qaybtii labaad waxa ay ka hadlaysaa hurdada iyo siraha ku jira, kuwaas oo ay soo saareen saynisyahanno muddo ku hawlanaa in ay wax ka ogaadaan arrimaha muhiimka ah ee jidhka qofka ku dhaca inta uu hurdo:

Riyada:

Riyadu waa shaqo ay maskaxdu qabato xilliga hurdada, laakiin weli khubarada saynisku waxa ay isku waafiqi kari waayeen fasiraadda sida ay riyadu ku timaaddo. Laakiin saynisyahannada dhinaca neerfayaashu waxa ay aaminsan yihiin in riyadu ay tahay jawaab celin maskaxda qaybteeda soke kaga timaadda maskaxda hoose ama gudaha.

Saacadaha hurdada:

Dadka qaar waxa ay jecel yihiin in ay maalintii saacado badan hurdaan, laakiin in kasta oo ay hurdadu caafimaadka u fiican tahay, haddana in lagu talaxtago saacadaha hurdadu waxa ay keentaa dhibaatooyin caafimaad oo mararka qaarkood gaadhi kara illaa heer naf bax ah. Waxaa ka mid ah wadne xanuunka, asaasaqa ama khalkhalka caqliga iyo xusuusta, iyo mararka qaarkood oo qofka ay ku keento xaalado nafsi ah oo uu qulub ka mid yahay. Laakiin khubarada caafimaadku waa ay isku khilaafsan yihiin tirada saacadaha ku habboon in qofku uu hurdo helo habeenkii, Si kastaba ha ahaato ee khubarada caafimaadku Lix illaa siddeed saaca ayaa ay sheegaan in ay tahay inta ugu habboon, iyaga oo haddana marka ay saacadaha sheegayaan sii kala saara ragga iyo dumarka.

Keli seexadka:

Marka ay khuurada ama illaa xadka uu qofku gam’ayo ama hurdada dhex gelayo, raggu waa ay ka duwan yihiin dumarka. Sida lagu ogaaday cilmibaadhis cusub oo uu sameeyey khabiirka John Dytamy oo ku xeeldheer cilmiga noolaha, ayaa sheegtay in gabadhu sideedaba marka uu qof kale hareer hurdo ay si nafsi ah u dareento cabsi iyo warwar, sidaa awgeed ay keli seexadka ku hurdo fiican tahay, halka ninkuna marka ay cidi la huruddo, tusaale ahaan xaaskiisa uu seexdo hurdo xasiloon oo dheer.