Milicsiga Wargeyska: Guddiga Madaxweynuhu Magacaabay Laaxin Baa Ku Jira

0
575

Siilaanyo-MJMadaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu toddobaadkan magacaabay guddi wasiiro ah oo ka kooban shan xubnood oo uu sheegay inay yihiin guddi farsamo oo ka hawlgeli doona qaban qaabada iyo qaabka wada hadalka Somaliland iyo Somaliya.

Mabdi’iyan inay Somaliland iyo Somaliya ka wada hadlaan xidhiidhkooda mustaqbal, waa qodob muhiim u ah higsiga umadda Jamhuuriyadda Somaliland  si ay u noqdaan qaran madaxbanaan. Sidaas oo kale inay Somaliland dhinaceeda ka fuliso war-murtiyeedkii Beesha caalamku ka soo saartay shirkii London isna waa muhiim. Laakiin waxa lagu kala aragti duwanyahay qaabka wada hadalkaas loo geliyo iyo ergada dhinaca Somaliland metalaysa. Marka la eego guddiga uu Madaxweynuhu magacaabay waa shan xubnood oo ka tirsan golihiisa wasiirada oo dabcan metalaya siyaasadda hoggaamineed ee Madaxweynaha, waxaanay ka soo jeedaan xisbiga KULMIYE oo doorashadii u dambaysay ka helay 49%, halkaasna waxa ka maqan 51% kale ee u codaysay xisbiyadii kale oo dabcan ah umadda kale ee aan taageersanayn siyaasadii xisbiga KULMIYE. Shanta xubnood ee uu Madaxweynuhu u xulay wada hadalka Somaliland iyo Somaliya oo ah mawduuc masiiri ah, waxa ay u badanyihiin rag dhallinyaro ah marka loo eego halka uu ka soo bilaabmi doono wada hadalka labada dal oo ku xidhiidhsan 1960.

Intaas waxa dheer, hay’adaha dalku waxay ka koobanyihiin fulinta oo xukuumadda ah, xeer dejinta oo Baarlamaanka iyo Guurtida ah iyo waaxda garsoorka, waxaana wada hadaladan Somaliya ku jira oo keliya waaxdii fulinta oo ah xukuumadda, taasina waa mid aan ka turjumayn rabitaanka shacabka Somaliland dowladduna aanay u dhammayn ee golihii fulinta ku kooban.

Marka laga hadlayo wada hadal lala galo Somaliya si ay labada dal u kala gurtaan wixii dano ah ee iskugu hadhay, ma jirto cid gaar ah oo metalaysa umadda reer Somaliland, waxase ay umadu ku qanci kartaa si aanu xagal-daac iyo khalad siyaasadeed oo la mid ah kii lixdankii u soo noqon inuu wada hadalkaasi noqdo mid loo dhanyahay. Madaxweynuhu ma wuxuu gartay inuu wada hadalka Somaliland iyo Somaliya ka fududyahay ka qayb galkii shirkii Ingiriiska, muxuu uga dhigi waayay talo qaran maadaama oo uu qodobkani yahay mid taabanaya masiirka qof aan taageersanayn siyaasadiisa iyo qof taageersanba.?

Marka laga tago guddigan, waxa kale oo iyana layaab leh cidda uu Madaxweynuhu doonayo inuu wada hadal la galo. Waa Sheekh Shariif oo bisha August uu wakhtigiisii ku eegyahay, waxaana sida cad cadeeda ku cad inaanu dib ugu soo noqonayn dawladan oo ah tii u dambaysay ee ay bulshada caalamku ugu talo gashay inay sidato magaca ku meelgaadh. Sidaas darteed mar haddii ay dawladiiba tahay ku meelgaadh uu wakhtigeedii bilo ka hadhay, ma jirto wax macno ah oo ku jira wada hadal lala galo. Intaas waxa raacda Madaxweyne Siilaanyo wuxuu talada Somaliland ku qabtay doorasho xor iyo xalaal ah, marka ay sidaas tahayna waxa uu caqliga saliimka ahi dhigayaa inuu horfadhiisto dawlad ay umadu soo dooratay oo ay ku kalsoontahay.

Si kastaba ha ahaa guddiga Madaxweynuhu u magacaabay qodobkan masiiriga ah looma dhama, waxaana Madaxweynaha la gudboon inaanu wada hadalka Somaliland iyo Somaliya kala mid dhigin hawl-maalmeedka caadiga ah ee golihiisa xukuumadda ee gudiyada wasiirradu dhamayn karaan. Waa arrin culus oo aan u baahnayn in si deg deg ah iyo siyaasad aan cadayn lagaga hawlgalo. Sidaas darteed, waxaanu leenahay madaxweyne haddii magacaabista guddigani ay kaa ahayd tijaabinta dareenka dadka malaha fal celintii ku soo gaadhay, haddiise ay kaa ahayd go’aan dhab ah dib ugu noqo madaxweyne, go’aankani maaha mid qarane.