3 Dal Oo Colaad Kasta Oo Ay Galaan Aan Laga Cabsi Qabin In Ciidamo Cadow Ahi Ay Dhulka Ka Soo Galaan (2)

0
551

1London (Geeska)- Waa qaybtii labaad uguna dambaysay qormadii uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska The independent ee aynu ku eegaynay saddex dal oo dunida ka mid ah oo ay adag tahay in ciidamo duullaan ahi ay berriga ka soo galaan.

New Zealand: New Zealand masaafad Kun Mayl ka badan ayaa ay u jirtaa berriga ugu dhow oo ah dalka Ustareeliya, sidaa awgeed New Zealand waa dal aan haba yaraato ee u dhoweyn dal kale, sidaa awgeed waa ay adag tahay in ciidamo berriga ah iyo saanad milateri ay galaan dhulka New Zealand.

Macnuhu maaha in aanay berri u dhoweyn oo keliya, balse waxaa u dheer oo uu dalkani kaga duwan yahay inta badan ee dalalka noociisa ah, inkasta oo uu ku dhex yaallo madweynta Atlantic haddana in aanu lahayn dekedo waaweyn, iyo in uu leeyahay buuro badan oo fanashadoodu ay ku adag tahay aadamaha, dhererkooda xad dhaafka ah awgii, folkaaneyaal, iyo dooxyo ingagan oo aan dhayal lagaga tallaabi Karin.

Russia:

Sida taariikh ahaan la og yahay, bedka uu ku fadhiyo dalka Ruushku aad ayaa uu u weyn yahay, waana ay adag tahay in ciidan soo duulay uu helo tiro iyo tayo uu dhulkaas baaxadda leh ee dalkani ku fadhiyo ku wada qabsado. Waxaa intaas dheer cimilada Ruushka oo aad u kakan oo cid aan u dhalan lana qabsan ay ku adag tahay in ay ku noolaato, mararka qaarkoodna aynu odhan karno, qaybaha dalka Ruushka laftiisa ayaa dadka gobol ku nooli aanay u dul qaadan Karin cimilada gobol kale. Xilliga xagaagii waxa uu heer-kulku gaadhaa darajo aad u sarraysa, jiilaalkiina qabowgu waxa uu gaadhaa heer xubnaha qofka uu dhiiggu ka tago, waana labada goorood cimilada Ruushku oo meel dhexe ma jirto.

Waxaa intaas sii dheer deegaanka iyo dabeecadda Juqraafi ee dalka Ruushka, waxa uu leeyahay buuro si aan qiyaas lahayn u dheer iyo webiyaal aan meelaha qaar la isaga gudbi Karin. Dhammaad.