Waa qaybtii labaad ee qisada saynisyahankii weynaa ee Louis Pasteur oo dadaallada uu ka gaadhay horumarinta cilmiga difaaca jidhka iyo helitaanka dawooyinka ka sokoow aynu si gaar ah uga warannay sida dhimashadii carruurtiisa oo saddex ahayd ay ugu dhiirrisay in uu hal abuuro tallaalka xanuunka dilay oo ‘Typhoid’ ahaa.
Louis intii uu jaamacaddaas macallinka ka ahaa waxa uu guursaday Maria Lauran oo uu dhalay guddoomiyaha jaamacaddu. Waxa aanay dhaleen shan carruur ah.
Shanta carruur ah saddex ka mid ah ayaa uu dilay xanuunka Tayfoodhka (Typhoid) loo yaqaanno. Dhimashada carruruta arrinta kaga xanuunka badnayd waxa ay ahayd in xanuunkan aan waqtigaas loo hayn wax dawo ah oo lagula tacaalo dadka uu ku dhaco. Isla markaana aanay jirin tallaalo lagaga hortegi karaa. Xaaladdaasi waxa ay Louis ku dhiirrigelisay go’aan ah in uu baadhis cilmiya ku sameeyo xanuunkan iyo siyaabaha dadka looga badbaadin karo.
Dadaalkan ka dhashay dhibta ku dhacday ka hor, Louis waxa uu sameeyey cilmibaadhiso tiro badan oo dhinaca Bayooliga iyo Kimisteriga ah, kuwaas oo uu qaar badan ka gaadhay natiijooyin aan hore loo haynin ama wax badan ku kordhinaya natiijada hore loo hayey. Waxa aanu ku kasbaday shahaadada sare ee PhD oo ah isku jir cilmiga Fiisigiska iyo Kimistariga.
Sannadkii 1854 kii ayaa Louis Pasteur waxaa loo magacaabay in uu bare sare oo kiimistariga dhiga iyo hormuud kulliyadda Sayniska ah ka noqdo Jaamacadda Lille ee dalka Faransiiska. Halkaas oo uu ka sii waday cilmibaadhishiisii aan joogsiga lahayn ee mar kasta uu ku gaadhi jiray natiijada cusub, kuwaas oo ay ka mid tahay in sababta khamiirka ama dhanaanka ku keenta asiidhka sharaabka miidka khudradda ah, ama caanahuhu in ay tahay noole ili maqabatay ah oo bakteeriya ka mid tahay oo ku dhalanaya.
Sannadkii 1862 kii Louis Pasteur waxa uu markii ugu horreysay taariikhda ogaaday in dareeraha oo la kariyo kaddibna dib loo qaboojiyaa ay dilayso bakteeriyada. Habkan oo isaga loogu magac daray ayaa loo bixiyey Pasteur.
Difaaca jidhka iyo tallaalka
Toddobaatanaadkii qarnigii 19naad ayaa uu Louis Pasteur mar kale adduunka sumcad weyn ka kasbaday kaddib markii ay guulaysatay aragtidiisii salka u noqotay cilmibaadhisaha lagu ogaaday tallaalo kala duwan. Inkasta oo ay saynisyahanno badani ka hor yimaaddeen, isla markaana hay’adda caafimaadka ee dawladda Faransiisku ku qanci weyday, haddana Louis Pasteur waxa uu ku adkaystay kuna guulaystay in uu horumariyo nidaam guud ee tallaal, kaas oo ka qaybqaatay aasaaska cilmiga iska difaaca cudurrada faafa ee kala duwan. Isaga oo ka duulaya in qofka jidhkiisa lagu beerko jeermisyo xanuun oo la dilay ama la daciifiyey awooddooda, marka ay jidhka aadamaha galaan ayaanay dagaal gelinayaan habdhiska difaaca jidhka oo doonaya in u uiska saaro xanuunka soo galay. Dagaalkaas habdhiska difaaca ayaa ah in uu soo saaro dheecaanno iyo maaddooyin lid-jidh-gale oo ku habboon nooca xanuunka qofka lagu beeray oo ah kan laga tallaalayo. Dagaalkaas kaddib jidhku waxa uu hawlgelinayaa qaybta xusuusta difaaciisa. Taas oo ka caawinaysa in habdhiska difaaca jidhku uu baraarugo, dhaqsanaha uu u xasuusto habkii uu xilligii tallaalka samaystay ee uu kula dagaalamay jeermisyada, bakteeriyada iyo Fayraska ama walax kasta oo garanwaa ah oo jidhka gasha, si fudud ayaanu u dilaa. Waana halkaas halka uu ugu dambayntii ka gaadhay natiijadii uu muddada dheer ka shaqaynayey ee ahayd in uu tallaal u helo xanuunka ubadkiisa dilay ee Typhoid. Natiijooyinka uu Louis Pasteur ku gaadhay baadhisaha uu sameeyey, waxa ay qayb laxaad leh ka qaateen in ay hoos u dhacdo tirade dadka u dhimanayey xanuunkan iyo xanuunno kale oo faafa.