“Ardayda La Leeyahay Internet-ka Wax ha Ku Bartaan, Waxaaba Suurtagal Ah In Aanay Saddexda Wakhti Cuno Helin”

0
595

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland, kana tirsan Xisbiga Waddani ayaa Xukuumadda ugu baaqay inay wax ka qabato arinta Fadhi-gaab,waliba gacan bir ah ku qabato cidda dhibta geystay.

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Xukuumadda ku dhaliilay nidaamka ay ugu talagashay Ardayda dhigta Dugsiyada Dawladda iyo qorshe la’aan uu sheegay inay Xukuumaddu aanay ka lahayn Dadweynaha, waxaanu si gaar ahna talooyin ugu soo jeediyey Ganacstada Somaliland, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlay arinta Fadhi-gaab “Arintaas Fadhi-gaab aad iyo aad baa looga xumaaday, arrin laga heshiiyey oo meel la iska dhigay ayey ahayd, inay maanta soo noqoto may ahayn, in  laga xumaado oo waliba laga yaxyayo weeye, Dawladda’se balanqaaday oo tidhi gacan bir ah ayaanu ku qabanaynaa, ma gacantaas birta ah la hel mise la waa, haddii la helo waa Maasha allaah, haddii se la waayo waxay noqonaysaa tii hore waxaan waxba ka jirin, ee tan dambe ciddii ballan-qaaday haddii ay wax ka qaban waydo waxay noqonaysaa  inay hawsheedii ka gaabisay, oo aanay raali ka ahayn inay talaabo qaado”.

Mar uu ka hadlayey Xanuunka Coronaha iyo qorshe la’aan uu ku dhaliilay Xukuumadda ayaa yidhi  “ILLAAHAY waxaynu ka baryeynaa inuu xanuunkaas gees inooga duwo, waxaanse sheegayaa oo jira in dhibaato gaar ah oo la mid ah xanuunka Coronaha inay dadweynaha haysto, dadkii wax uu nafihiisa u cuno uu waayey, dadka badankoodii shaqooyinkii waa laga joojiyey, illaa haddana ma muuqdaan qorshayaal la rabo in dadka loogu abuuro wax soo saar dhinaca beeraha ah”.

Mar uu ka hadlaayey Ardayda iyo xanuunka Coronuhu saamaynta uu ku yeeshay ayaa yidhi “Waxaa wax walba ka daran Ardaydii oo laga joojiyey Waxbarashadii, oo la yidhi Guriyihiina jooga, oo Internetka wax ka barta, inta badana Ardayda dhigta Dugsiyada Dawladda  iska daa inay Internet wax ku bartaan ee xitaa Telefiishan uma yaallo, Ardayda la leeyahay Internet wax ku bartaana waxaaba suurtagal ah in aanay saddexda wakhti aanay cuno helin, wax layaab leh weeyaan, ee waa inay Dawladdu talaabo qaada, xitaa haddii aanay iyadu Internetka bixin karin, waa inay la hadashaa Hay’adaha, oo ay weydiisa qaabka ugu wanaagsan ee Ardayda wax lagu bari karo, markaas ALLE ha inoo sahlo”.

Mar uu baaq u dirayey Ganacstada  ayaa yidhi “Bil barakaysan ILLAAHAY ha inoo keeno, Bishana ILLAAHAY wuxuu ku soo sheegay wakhti ay xanuuno jiraan, ee ILLAAHAY ha inooga dhigo bil barakaysan oo khayr leh, Ganacstadu waxay yaqaanan oo qudha dantooda iyo siday lacag badan ku heli lahaayeen, laakiin wakhtigan adag yaanay noqon dhiig miirato, ee  waxaan ka codsanayaa inay dadka u naxariistaan, oo wax walba aanay sicir barar kaga dhigin”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here