Carwo Ganacsi Oo Ay Ka Soo Qayb Galeen Masuuliyiin Ka Socda Soomaaliya Turkey Iyo Yemen Oo Laga Furay Hargeysa

0
662

Picture2Hargeysa (Geeska)-Carwo ganacsiyeedka Somaliland oo Sannadihii ugu dambeeyey si xidhiiidh ah loo qabanayey ayaa shalay si rasmiya loo furay Carwadii todobaad ee Ganacsi, waxaana ka qayb galay oo adeegyada kala duwan ku soo bandhigay Shirkadaha iyo Ganacstada Somaliland.

Munaasibadii Carwadan lagu soo bandhigayey  si weyn ay u soo agaasimeen rugta Ganacsiga Somaliland, ayaa waxa ka qayb galay Wasiirka Ganacsiga, Maayarka Caasimadda, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, masuuliyiin ka kala socda Puntland, Yamen iyo Turkiga iyo sidoo kale Shirkadihii carwadaas ku soo bandhigay adeegyadooda kala duwan

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shugri Jaamac oo isagu ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa si xeel dheer uga xog waramay ganacsiga somaliland iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray, waxaana sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay halka uu maanta marayo Ganacsiga dalka oo uu sheegay inuu meel sare marayo horumar balaadhan waxaanu yidhi.”Shirkadaha waawayn ee somaliland ayaa sanadkan iyaguna Door Laxaadle ka qaatay,kuna soo bandhigay adeegyada kala gadisan ee ay Bixiyaan,kuwaas oo iyagan ku amaanay siday uga Muuqdeen Carwadan".

Masuuliyiin Ka tirsan Shirkadaha  SBI, GSK Group, Telesom, Dahabshiil iyo Somtel,, Somcable,Hitech,Asal,Takaful,Toyota ayaa dhamaantood Macaamiishooda ugu bushaareeyay adeegyada ay u hayaan kaas oo ku sifeeyeen mid casri ah oo la jaan qaadaya Dunida Hore u socotay.

Guddoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga Puntland,masuuliyiin ka Socda Dalalka Turkiga iyo Yaman ayaa iyaguna Madasha ka hadlay waxa aanay bogaadiyeen sida qiimaha badan ee carwadan heerka saraysa loo soo bandhigay,iyaga oo u mahad naqay Sida uu guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Shirkada AOA uga qayb qaateen sidii ay u hirgalin lahayd carwadan qiimaha badan ee adeegyada kala gadisan lagu soo bandhigay.

Maayarka Caasimada Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Solteco ayaa bogaadiyay Ganacsatada Sida heerka Saraysay Madashan uga Soo qayb Galay,waxaana uu ka hadlay sida ganacsatada kor loogu qaadi lahaa waxaana uu yidhi.“waxa muuhiim ah in ay somaliland ku soo kordheen saddexdii baanba oo iyaguna dalka gaadhsiin doona meel wanaagsan,waxaana ay maal-gashan doonaan dadka iyaga oo deegyo kala gadisana u furi doonaa,maanta carwadani waa mid qiimaheedu sareeyo oo loogu talo galay ganacsiga,Somaliland sanadba sanadka ka danbeeya waxa ay hiigsanaysaa meelaha dunida waxaanan u arkaa in aynu guul gaadhnay".

Wasiirka Ganacsiga Somaliland Muuse Qaasim oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa aad u soo dhaweeyey carwadan iyo masuuliyiinta wada, waxaanu sheegay in dalka ganacsigiisu uu meel wacan marayo,  waxaanu yidhi “in Markasta carwooyinka la qabtaa waxa ay u wanaagsan tahay ganacsiga,qofkasta waxa uu ku soo bandhigayaa ganacsigiisa isaga oo xor ah,waxaana uu bulshada ugu samaynayaa madashan qiimo jaban oo ka hooseeeya kuwii suuqa,taasina waata carwadan loofuray,isaga oo ku dhiiri galiyay ganacsatada in ay Markasta Ka dadalaan sidii ay u heli lahaayeen Ganacsigana ugu dari lahaayeen,ganacsiga dalka ka soo baxa.

ugu dambayntiina  Wasiirka Ganacsiga ayaa si rasmiya u furay carwadaas iyada oo masuuliyiintii carwadaas ka qayb gashay ay kormeer ku soo mareen Adeegyada kala Gadisan ee Shirkadaha Ganacsigu Carwadan ku soo bandhigeen iyaga oo Ku dhiiri Galiyay Ganacsato Kasta in ay Dadaalka Siiwadaan Si ay dalkana wax ugu soo kordhiyaan.