Ingiriiska Oo Si Kulul Uga Jawaabay Eedayntii Bashaar Al Assad

0
434

 

0Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Ingiriiska William Hague ayaa ku tilmaamay hadaladii kasoo yeedhay Madaxweynaha Siiriya, hadalo ka yimid nin "wareersan"

William Hague ayaa sheegay in Bashaar Assad u hadlay si nin isku dhex yaacay oo kala garan la’a waxa dhabta ah iyo waxa aan jirin, isagoo ku eedeeyey hogaamiyaha Siiriya inuu xiligan xasuuq ku hayo shacabkiisa.

Bashaar Al Assad ayaa isagu wareysi uu siiyey jariirada Sunday Times oo Axadii la baahiyay ku sheegay in Dowlada Ingiriiska ay taageerayso Argagaxisada dagaalka ka wada dalka Siiriya.

Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Ingiriiska William Hague ayaa sheegay in dowlada Ingiriiska ay sii xoojin doonto taageerada ay siinayaan xoogaga mucaaridka ah, isagoo aan meesha ka saarin in mustaqbalka ay hubeyn doonaan mucaaridka iyo in kale.

Walow Ingiriiska kamid ahaa wadamada u ololeenayey in Midowga Yurub uu xayiraada hubka ka qaado xoogaga mucaaridka Siiriya, hase yeeshee Midowga Yurub illaa iyo hada waxa kaliya oo ay ogolaadeen in  dhanka isgaarsiinta iyo dhaqaalaha laga caawiyo mucaaridka.