10 Arrimood Oo Sabab U Noqon Kara In Aanu Qofku Abidkii Maal-Qabeen Noqon Ama Lacag Kaydsan (Q: 1)

0
900

Picture9Washington (Geeska)- Waxaa jirta xikmad xiise badan oo ka warranta ama qiyaasta muddada maalku uu qofka iyo tafiirtiisa ku sii negaado. Xikmaddani waxa ay sheegtaa in maalku uu isaga gudbo saddex jiil oo kala ah: Mid lacagtan shaqeeyey, mis isticmaalay iyo kan saddexaad oo ku loofara. Runtii dadka oo dhan la iskuma qaadi karo, laakiin su’aasha muhiimka ah ee qof kasta hor taallaa waxa ay tahay, “Weligaa inta aad fadhiisatay ma ka fikirtay qaninimada / ladnaanta iyo macnaha ay adiga kuu leedahay? Ama weligaa ma is weydiisay, “Waa maxay sababta keentay in aad weligaa fara madhnaato, oo weliba faqiirnimada ama fara-madhnaantaasi ay tahay mid aad ku abtirsato oo aad aabahaa iyo awoowgaa ka soo gaadhay.

Haddii aad qabto dareen ah in maal-qabeennimadu ay tahay wax aanad gaadhi karayn. Waxa aad ogaataa in aaminsanaantaasi ay tahay wax dad badani kula qabaan. Sida ay shaaciyeen xeel-dheerayaal arrintaas daraaseeyey waxaa dunida ku nool Malaayiin qof oo aan dareensanayn in ay noqon karaan Bilyanneerro, ama xagga ugu sarraysa ay kaga istaagi karaan sallaanka maalqabeenka, waxa keliya ee ka xigaana uu yahay in ay beddelaan uun dhowr dabeecadood uu xun xun. Dariiqa maal-qabeennimada loo mari karo dadku waa ay ku kala aragti duwan yihiin, laakiin sida ay khubaradu sheegeen waxaa jira qaladaad maaliyadeed oo ay dadka badankoodu ka siman yihiin oo dad badan ka hortaagan in ay maalqabeen noqdaan, qaladaadkaas ayaana aynu ku soo qaadanaynaa qormadeennan. Laakiin marka hore aynu is weydiinno waxa ay tahay maalqabeennimadu?

Sahamin la sameeyey ayaa lagu ogaaday xaqiiqada ah in boqolkiiba 7 ka mid ah dadku ay isku xidhaan lacagta iyo hantida qalabka ah ee uu qofku leeyahay sida gaadhiga, guriga iyo doonta raaxada. Boqolkiiba 33 dadka sahamintani su’aalaha weydiisay ah ayaa aaminsanaa in maal-maalqabeennimadu ay tahay keliya in haynta qofku ay gaadho heer aanu ka warwarayn berri kharashka uu isticmaali doono, halka boqolkiiba 26 ka mid ahina ay maal-qabeennimada ku macneeyeen in uu qofku haysto lacag ku filan in uu shaqada ka nasto isaga oo helaya lacag noloshiisa ku filan. Waxaa iyaguna jira dad maalqabeenka marka la weydiiyo niyadda gashada xaddi lacag ah oo uu qofkaasi haysto, tusaale ahaan boqolkiiba 17 dadka wax la weydiiyey ka mid ah ayaa aaminsan in maalqabeenku uu yahay ruuxa haysta ugu yaraan Hal Milyan oo doolar iyo ka badan. Boqolkiiba 11 ka mid ahina waxa ay la tahay in maalqabeenku uu yahay ruuxa uu sannadkii soo galo dakhli dhan 100 kun oo doolar iyo ka badan. Laakiin arrinta xiisaha lihi waxa ay tahay in dad badan oo maalqabeen ahi aanay isu aqoonin ama isu arkin in ay maalqabeen yihiin, taas oo tusaale u noqon karta dadka aaminsan in maalqabeennimadu aanay ahayn lacagta iyo hantida uu qofku leeyahay, balse ay tahay iimaanka iyo waxa ay dadku kuu arkaan, waana sababta dad badani isugu mashquuliyaan uun fikirka dadku ka aaminsan yahay, si ay uga dhaadhiciyaan in ay maalqabeen yihiin. Haddaba aynu ku noqonno dulucda qormadeennan oo aynu ku soo bandhigaynay 10 qodob oo ay khubarada maaliyaddu sheegeen in ruuxa lagu arkaa aanu abid maalqabeen noqon karin: La soco…