Kulan Hawleed Ay UNFPA U Qabatay Manhajka Dugsiyada Caafimaadka Oo La Soo Gunaaday

0
742

 

Hargaysa( Geeska )-Hay’ada caalamiga ah ee UNFPA oo kaashanaysa Wasaarada Caafimaadka ayaa ku soo gabagabaysay Hargeysa falanqayn lagu  qabyo tirayay  Manhaj loogu talo galay in lagu tababaro Umulisooyinka isla markaana ay yeelanayso wasaarada caafimaaka ee Somalailand.

Falanqayntan lagu qabyo tirayay labada buug ee Community Midwifery iyo  Past-basic  oo ka soctay laba maalmood Hotel Maansoor ee magaalda Hargaysa isla markaasan maalintii shalay ahayd lagu soo gabagabeeyay,  waxa ka soo qayb galay madaxa haay’ada UNFPA Somaliland  Marwo Salaado Maxamed Rooble, Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka Cabdi Axmed Nuur, Madaxa haay’ada UNICEF Dr.Samiya, la taliyaha UNFPA Dr.Gillian oo diyaarinta buugan  gacanta ku haysay,  Dr.Shiine,  iyo masuuliyiinkale.

Waxa ugu horayntii ka hadlay xidhitaankii falanqayntii buugaataas Manhajka Umulisooyinka Somaliland ee cusub lagu qabyo tirayay madaxa haay’ada UNFPA ee Somaliland Marwo Salaado Maxamed Rooble oo sheegtay in muddo laba toddabaad gudahooda lagu soo saari doono labadan buug oo dhamaystiran,

waxanay Salaado hadalkeeda ku bilawday “ Laba casho oo waxay ahayd si aad ah loo falanqeeyay labadan Manhaj ee  Community Midwifery  iyo Past-basic  markaa hawshuna maanta [shalay] waa ay noo dhamaatay, runtiina siday Dr.Gillian u sheegtay waxa ay heshay rayi badan iyo waxii lagu dari lahaa, maadaama oo qoraalkani uu ahaa mid qabyo ah dib baa loogu nonayaa oo waxii lagu daraayo waa lagu darayaa.  Ugu danbayntana waxaan rajay’naynaa  in laba wiig kadib uu noo soo baxo  labadii buug ee u danbeeyay oo dhamaystiran, si dugsiyadii ay u helaan iyo Community Midwifery iyo Past-basic.” Iyada oo hadalkeeda sii wadata waxa ayh tidhi Salaado “Markaa kooxdan ka soo qayb gashay iyo UNICEF,WHO,Wasaarada Caafimaadka, Dr.Shiine  iyo wasiirka taageeradiisa badan ee aan helnay iyo  dugsiyadii ka soo qayb galoo dhan aad ayaad u mahadsantahiin labada casho ee aad noo dulqaadateen, aad baadand umahadsantahiin”

Waxa isaguna dhankiisa mahadcelin balaadhan u soo jeediyay haay’ada UNFPA oo iyadu gacanta ku haysay diyaarinta Manhajkan tababarka Umulisooyinka Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Cabdi Axmed Nuur

INFP“ Aniga oo ku hadlaaya afka Waraarada Caafimaadka waxa aan uga mahadcelinayaa hay’ada UNFPA doorka muhiimka ah ee ay ka qaadatay diyaarinta manhajkaa tababarka Umulisooyinku, oo runtii aan maanta ku faani karno in an haysano manhaj, lagu tababaro Umulisooyinka, waxaan xasuustaa dhawr bilood kaho naga oo iswaydiinayna wax qoraali majiraan, markaasaa layidhi midbaa mar aldiaariyay oo isagiina la waayay, markaas manhajbaa inoo diyaara si gaarana waxaan uga sii mahadnaqaynaa Gillian oo iyadu diyaarisay, waxa kale oo mahad gaara leh intii la waydiiyay wax ee ka qayb qaadatay. Maanta waxa inoo diyaara manhaj lagu faani karo oo xataa meelaha aan lahayn ay inagaga dayan karaan”

 

Manhajkan tababarka Umulisooyinka oo in muddo ah  ay diyaarintiisa gacanta ku haysay haay’ada UNFPA ayaa la filayaa inay laba todabaad ee soo socda hawshisu soo dhamaanto, isla markaana la soo saaro laba buug oo sal u noqda tababarka Umulisooyinka Somaliland.