“Wax Dhibaato Ku Ah Somaliland Oo Aan Galay Ma Jiro, Wanaag Mooyee Xumaana Kuma Samayn, Xadhigaygana Waxaan U Arkaa Arrin Shakhsi Ah”

0
2743

 

Hargeysa(Geeska)-Cabdalle Xaaji Cali, oo ah siyaasi Somaliland u dhashay horena uga tanaasulay xilkii xildhibaanimo ee uu ka hayay dawladda Somaliya, ayaa shalay xabsiga loo taxaabay.

Cabdalle Xaaji Cali, oo ay xukuumadii hore cafis u fidisay ka dib markii uu sheegay inuu ka tanaasulay mawqifkiisii federaalka Somaliya, waxa shalay lagu xidhay madaarka Hargeysa isagoo ka yimid dhinaca magaalada Nayrobi ee dalka Kenya. Cabdalle oo shalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu xadhigiisa ku macneeyay mid shakhsi ah “Waxaan u arkaa arin shaqsiya. Waayo wax dhibaato ku ah Somaliland oo aan galay ma jirto, wanaag mooye wax xumaan ah oo aan Somaliland ku sameeyay ma jirto. Dabadeedna arrin shakhsiya ayuun baan u arkaa xadhigayga.” Ayuu yidhi Cabdalle Xaaji Cali.

Mar la weydiiyay inuu dib ugu noqday mabda’ii federaalka Somaliya ee uu hore uga tanaasulay, wuxuu yidhi, “Mabdi’ii hore iyo waxaas kumaan noqon, xildhibaanimadii horena waa taan hore iskaga casilay.”

Cabdalle, oo la weydiiyay bal inuu muddooyinkan u dambeeyay ku noqday Muqdisho, wuxuu sheegay inaanu dib ugu noqon dalka Somaliya muddooyinkan dambena uu ku sugnaa dalka Kenya, “Nayrobi ayaan muddo shan bilood ah joogay, imikana waan ka imid, kumana noqon Muqdisho.” Ayuu yidhi Cabdalle Xaaji Cali.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Md. Cabdillaahi Xuseen Cige, ayaa warbaahinta u sheegay in Cabdalle Xaaji Cali loo xidhay arrimo la xidhiidha qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, waxaanu sheegay inuu baadhitaan ku socdo.

Tan iyo markii uu Madaxweyne Siilaanyo xilka qabtay waxa dalka ku soo guryo noqday siyaasiyiin badan oo reer Somaliland ah oo ay xukuumadihii hore dalka ka mamnuuceen ka dib markii ay ka hadhi waayeen fikirkoodii federaalka Somaliya, kuwaas oo qaar ka mid ah xataa ay bulshadu saadaalisay inay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo xil ka qaban doonaan. Inkastoo ay xukuumadu sheegtay in baadhis lagu hayo Cabdalle Xaaji Cali, haddana waxa ay dad badani isweydiinayaan sababta loo beegsaday maadaama oo uu hore u caddeeyay inuu ka noqday fekerkiisii Somaliweyn.?