Aniga iyo Col. Qadaafi

2
797

 

Waxa Qorey Maxamed Rambo (Tafatiraha Wargeyska Geeska Afrika)

MaRaGoor barqo ah oo lagu jiray badhtamihii Bishii March ee sannadkii 2009 oo aan caasimadda Itoobiya u tagay ka qayb galka shir saxaafadeed loo qabtay saxafiyiinta Bariga Afrika, ayaanu ogaanay warka sheegaya in guddoomiyihii ururka Midowga Afrika ee sannadkaasi uu ku suganyahay gudaha Addis Ababa, booqashana ku tagi doono xarunta Midowga Afrika. Markii aanu warka helnay ayaa aniga iyo guddoomiyaha saxafiyiinta Afrika Muha Daahir Faarax,  waxaanu ka baxnay hoteelka Sheraton ee Addis Ababa,  waxaanan u  jihaysanay dhinaca xarunta Midowga Afrika. Baadhis badan ka dib waxaanu gudaha u galnay xarunta Midowga Afrika, waxaanan albaabka ku kulanay safiiro iyo diblomaasiyiin badan oo iyaga laftooduna u socday ujeedadayada oo kale. Inyar haddii aanu joognay anigu waxaan ka mid noqday dadkii koobnaa ee shakhsiga la sugayo ku soo dhaweeyay xarunta Midowga Afrika oo uu wax aan bilo ahayn ka maqnaa, waxaanan saf ku wada jirnay guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Mr. Jean ping.

 

 

 

Waxaan aad u xiisaynayay inaan arko, la kulmo amaba xataa aan halacsado muuqaalka qofkaas sida weyn loo wada sugayay. Mudadii aanu goobta ku sugnayn waxa xarunta Midowga Afrika ka socday diyaar garow iyo qaban qaabo xoog badan oo lagu soo dhawaynayo masuulkaas, xataa guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika oo ah masuulka maamula hawlaha xaruntu waxa ka muuqday mashquul badan. “Waxaanu nahay saxafiyiin reer Somaliland ah.” Ayaanu ku nidhi guddoomiyaha Midowga Afrika Mr. Jean Ping oo markii uu na halacsday tooyasho nagu bilaabay. Dabcan qofka sidaas loo wada sugayaa waa hoggaamiyihii habeen hore geeriyooday ee Liibiya Col.  Mucamaral Qadaafi, oo xilligaas ahaa guddoomiyaha midowga Afrika. Wuxuu xaruntii soo gaadhay isagoo ay hareerihiisa yaacayaan tiro badan oo ka tirsan masuuliyiinta dawladdiisii dhacday ee Liibiya iyo ilaalo xad dhaaf ah oo haween u badan. Raga maalintaas la socday ee garab yaacayay waxa ka mid ahaa Axmed Qaddaafi Al-Dam oo ay ilmaadeer ahaayeen hoggaamiyaha Liibiya, waxaanu ahaa ninka ugu awoodda badnaa dadka weftiga Col. Qadaafi la socday ee hawlihiisa maamulayay. Ayaan darro Axmed, wuxuu ka mid noqday raacii u horeeyay ee fakaday markii ay inaadeerkii kacdoonadu ku bilaabmeen bishii March ee sannadkan. Maalintii aan arkay warka sheegaya in Axmed fakaday waxaan garwaaqsaday in awoodii odaygu soo koobantay.New Picture (6) Sababtu waxa weeye sidaad sawirada ka aragtaan Mr. Axmed, wuxuu ahaa qofka ugu dhow hoggaamiyihii geeriyooday ee Liibiya.

 

Markii uu na soo gaadhay wuxuu nagu bilaabay salaan iyo hadalo kooban oo uu kula kaftamayay madaxdii Midowga Afrika, isagoo hoos u hadlayay. waxaanu toos u galay hoolka shirarka oo uu ku lahaa kulan ay albaabadu u xidhnaayeen. Maalintaasi waxay ahayd wakhtigii iigu horeeyay ee aan si toos ah ula kulmo hoggaamiyihii Liibiya Mucamaral Qadaafi. Dharka uu ku labisnaa waxay ahaayeen khamiis qaro weyn oo lagu laabay go’ islamarkaana sidaad sawirka ka aragtaan lagu sii jeeni qaaray maro aan weynayn oo lagu soo xardhay maabka qaaradda Afrika, waxa kale oo uu sitay koofiyad yar oo labiskiisa u eeg iyo muraayad aan u maleeyay inay tii xaragada ahayd iyo kabo buudh ah oo madoow. Laba fargal oo uu midi dahabi ahaa midna cadaan ahaa ayaanu labada gacmood ku kala xidhnaa.

Wuxuu u muuqday nin qab weyn oo dadka sugaya ee uu salaamayay aanay macno badan u samaynayn. Taas oo xataa laga dareemi karayey sida jilicsan ee uu dadka u gacan qaadayey. Marka laga tago gudashada waajibaadkayaga suxufinimo, waxa kale oo hawshaas noo wehelisay hawl labaad oo dhinaca qadiyadda Somaliland ah. Labadayadii saxafi waxaanu is tusnay fursadda aanu la kulanay iyo sida ay u haboontahay inaanu annagu dalka uga faa’iidayno, waxaanan is tusnay inay muhiim tahay inaanu isku dayno inaanu ninkan awooda ku leh Afrika xasuusino qaddiyadda Somaliland  oo aanu guddoonsiino hadiyad ka timid Somaliland. Wada tashi iyo dood xoogay ah ka dib waxaanu isla garanay inaanu raadino buug si tifaftiran uga waramaya taariikhda iyo marxaladaha kala duwan ee ay Somaliland soo martay sida xorriyadii, midnimadii lagu khasaaray, xasuuqii foosha xumaa, la soo noqoshadii madaxbanaanida iyo guulaha uu dalku gaadhay oo aanu hadiyad ahaan ugu dhiibno Qadaafi annagoo ka faa’iidaysanayna awoodayada saxaafadeed. Laakiin nasiib xumo nooma ay suurtogelin inaanu helno wakhti aanu Qadaafi ku guddoonsiino hadiyadaas, saacado ka dibna wuxuu u dhoofay dalkiisa Liibiya… Maalintaas waxaanu ku kala tagnay salaantaas, wakhtina umuu helin inuu saxaafadda la hadlo…La soco maalintii dambe ee isugu kaayo dambaysay.

Comments are closed.