Aniga iyo Col. Qadaafi

0
1523

 

QAYBTA LABAAD

Maalintaas  hore waxa muuqiisa iigu xigtay 29 January 2010 oo uu Mucamaral Qadaafi damacsanaa in sannad kale loogu kordhiyo  xilkii guddoomiyaha Midowga Afrika, waana shirkii midowga Afrika ee 2010,  waxaanu labadaas wakhti u dhexeeyay wax sannad ka yar. Hoteelada lagu karkariyo siyaasadda ee Addis Ababa waxa ka socday shirar iyo kulamo muhiim ah oo dalabka Qadaafi lagu darsayay. Diblomaasiyiin badan ayaa aaminsanaa inay haboontahay inaan mar dambe Col. Qadaafi loo dooran midowga Afrika mar haddii uu mudadaas uu xilka hayay ururku ka badbaaday khilaaf iyo burbur. Subaxnimadaas uu shirka madaxweynayaasha Afrika Addis Ababa ka furmay waxa la dareemay dib u dhac dhinaca furitaanka shirka ah, waxaana sabab u ahaa khilaaf ka dhashay madaxdhaqameed Afrikaan ah oo uu Col. Qadaafi watay islamarkaana doonayay inay khudbado ka jeediyaan shirka balse ay guddiga ururka maamushaa ka gaws adaygeen. Laakiin wuxuu sameeyay khidad cajiib ah. Markii shirka la furay ee hoggaamintiisa Qadaafi lagu wareejiyay wuxuu markiiba amar ku bixiyay in la soo daayo madaxdhaqameedka Afrikaanka ah, waxaanu amar ku bixiyay inay khudbado ka jeediyeen shirka. Waxyaabaha cajiibka ah ee aan maalintaas Qadaafi ku arkay waxa ka mid ahaa, wuxuu watay baabuur gaar u ah samaynta shaahiisa, hablo ayaa gaar u ahaa ilaalintiisa, waxaanu diiday inuu gebi ahaanba cabo shaaha iyo bunka falaasadaha ku jira ee Madaxweyne kasta kursigiisa la hordhigay, taas bedelkeedna baabuurka samaynta shaahiisa u gaarka ah ayaa looga keenay falaas iyo bakeeri u gaar ah.

Wuxuu shirkii ka jeediyay khudbad aad u adag oo uu kaga hadlay dhibaatooyinka Afrika iyo inay madaxda Afrikaanku la garan waayeen aragti uu ku horumarinayay Afrika. Intii uu khudbada waday waxa shirka ka dareeray Madaxweynayaal badan oo kuraasida u baneeyay.

Markii uu maalintaas dhammaaday shirkii loogu tallo galay, ayaa goor habeenimo ah oo ay saacadu ahayd 11:30 habeenimo waxa guud ahaan saxaafadda lagu wargeliyay inuu hoggaamiyihii Liibiya Shirjaraa’id qabanayo, markii aanu xogtaas helnayna aniga iyo saxafiyiin kale oo reer Somaliland ahi cagaha ayaanu wax ka daynay waxaanan gaadhnay xaruntii uu shirka jaraa’id ku qabanayay oo dabcan ahayd kobtii uu shirka Madaxweynayaaha Afrika ku qabsoomay. Saxaafadii madasha joogtay warka iyo shakhsiyadda Qadaafi waxa u xiiso badnaa shakhsiyadiisa. Waxa ay weriyayaashu ku mashquuleen inay sawiro ka qaataan Kornaylka iyo ilaaladiisa, inkastoo habeenkaas aanay hablihii askarta ahaa la soconin.

Saraakiishii u qaabilsanayd hab maamuusku, waxay amar ku bixiyeen in shaqaalaha Midowga Afrika ee ee ay shaqadoodu tahay hagaajinta goobta uu shirka jaraa’id ka dhacayo ka dareeraan hoolka, waxaana maamulkii qolka la wareegay wiilal dhallinyaro u badnaa oo Mucamaral Qadaafi u qaabilsanaa ammaanka iyo baratakoolka. Markii aanu qiyaastii saacad fadhinayna waxa soo galay hoggaamiyihii Liibiya, Boqorlkii boqorada Afrika, guddoomiyaha Midowga Afrika. Waxa wejigiisa laga dareemayay cadho iyo dawakhaad badan oo uu ka qaaday madaxda Afrika oo ka horyimid dhawr qorshe oo uu doonayay oo ay ugu horaysay in sannad kale la doorto. Wuxuu ku hadlayay luuqadda Carabiga oo ay ka turjumayeen shaqaalaha Midowga Afrika ee arrintaas qaabilsanaa. Saraakiishiisa habeenkaas shirka joogtay waxaan ka xasuustaa Wasiirkiisii Arrimaha dibadda Mr. Kusa Musa oo mararka qaar turjumayay su’aalaha la weydiinayay iyo weliba taliyihiisii sirdoonka. Su’aal ay weriye Muha Daahir Faarax Jire weydiisay Madaxweynaha Liibiya  oo ku saabsanayd Somaliland ayaa waxay ugu dhigtay si taxadar badan oo ay mar kaga warantay taariikhda dalka oo kooban, marna ku hogo tusaalaysay inay u baahantahay hoggaamiye aqoonsigeeda ku dhiirada oo ay ugu dhigtay inuu isagoo kale yahay. “Adigu xaggeed ka timid.” Ayuu weriye Muha ku weydiiyay luuqadda Ingiriisida, waxaanay ugu jawaabtay, “Waxaan ka imid Hargeysa Somaliland.” Wuxuu su’aashii uga jawaabay si jees jees ah oo aan intayadii reer Somaliland noo cuntamin. Waxa saxafiyiintii madasha joogtay ku soo boodo ku noqday markii uu Qadaafi weriye Muha ugu tiraab celiyay luuqadda Ingiriisida. Waxa la isku raacay inaan la arag amaba ay dhif tahay Col. Qadaafi oo luuqadda Ingiriisida ku hadlaya.

Habeenkaas waxa cadhada badan ka sokow Qadaafi laga dareemayay isla weyni iyo dulqaad la’aan. Wuxuu doonayay wax kasta oo uu soo dhigo shirka Midowga Afrika in laga aqbalo, laakiin dabcan waxyaabo badan oo uu islahaa ugu yaraan lacagtaada ayaa kuu ogolaan doonta ayaa laga diiday. Mar dambe oo aanu shirkaas ka dareernay ayuu qof ii sheegay inuu Qadaafi isla xilligas u dhoofay dalkiisa isagoo aad u cadhaysan. 

Si kastaba ha ahaate Qadaafi wuu geeriyooday, waxaanu geeriyooday Liibiyadii uu dhisay oo baaba’day, waxaynuse eegi doonaa bal sida xaaladda dalkaasi ku dambayso geeridiisa ka dib.