Goos Gooska-Qudhaanjo cuntay bogagga kitaab Qur’aan Ah oo ka tagtay intii xuruufta Qur’aanka ah ku beegnayd

0
4052

goos gooskaIndia- Hore ayuu Alle u sheegay in uu isagu Qur’aanka Kariimka ah soo dejiyey, isaguna dammaanad qaadayo dhowristiisa, si kastaba oo ay dhowristaasi tahay, waxa ay dad badani ku xasuusteen dhacdo mucjiso ah oo dhowaan lagu arkay magaalada Hyderabad ee dalka India.

Qudhaan ayaa cuntay qaybo badan oo ka mid ah kitaab laakiin markii ay qudhaanjadaasi warqadaha kitaabka cunaysay waxa ay aad isaga ilaalisay in ay taabato meelaha ay xuruufta iyo kelmadaha qur’aanka ahi ku beegan yihiin, iyada oo ku ekaanaysay in ay cunto warqadda kitaabka inta u dhacaysa laba sadar iyo mararka qaarkood labada kelmadood. Kitaabkan oo ah mid taariikh ah oo ataar ahaan loo soo gaadhay waxaa cimrigiisa lagu qiyaasay illaa boqol sano.