Muuse Biixi Oo Ka Digay Khilaaf Siyaasadeed Oo Ka Dhalan Kara Qodob Ku Jira Xeerka Ay Wakiiladu Wax Ka Bedelka Ku Sameeyeen

0
815

 

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixidagaal-ooge Cabdi, ayaa ka digay khilaaf siyaasadeed oo ka dhalan kara kaabista ay mudanayaasha golaha wakiiladu ku sameeyeen xeerka 14/2011, gaar ahaan qodobka 25aad faqradiisa 3aad oo tilmaamaysa in marka la furayo ururada siyaasadda ay mudane kasta u banaantahay inuu furan karo urur siyaasadeed cusub ama ku biiro karo xisbi ama urur kale.

 

Sidaas wuxuu Muuse Biixi ku sheegay warsaxaafadeed uu shalay ka soo saaray xafiiskiisa. Waxa kale oo uu Md. Muuse Biixi soo dhaweeyay go’aanka uu golaha wakiiladu dabarka kaga furay dhallinyarada Somaliland ee salka ku hayay da’da murashaxnimada goleyaasha deegaanka. Warsaxaafadeedka guddoomiye Muuse Biixi, isagoo dhammaystiran wuxuu u qornaa sidan, “Xisbiga KULMIYE wuxuu soo dhawaynayaa labada go’aan ee Golaha Wakiiladdu qaatay ee kala ahaa Da’da murashaxiinta Dawladaha hoose ee hoos loo dhigay iyo Murashaxiinta Dawladaha hoose oo toos u tartamaya.

Xisbiga KULMIYE, Xukuumadiisa iyo Xildhibaanadiisa wakiiladu dadaal badan kadib waxaa hir galay balan-qaadkiisii ahaa in dhalin-yarada fursad loo siiyo inay ka qaybqaataan hogaaminta dalka.

 

Sida aynu ognahay Barnaamijka Ololaha Xisbiga KULMIYE waa uu balan qaaday in da’ada 35 sanno ah laga dhigo 25 sanno, dadaal badan ayaanay Xisbiga KULMIYE, Xukuumadiisa iyo Xildhibaanadiisuba u galeen sidii arintaasi meel mar u noqon lahayd.

Maantana aad baanu u soo dhawaynaynaa go’aanka Golaha ka soo baxay.

Dhalin-yarada waxaanu u aragaa in ay yihiin Hogaamiyaasha berri iyo Xooga Maanta, sidaa daraadeed ay waajib tahay in lagu barbaariyo hogaaminta dalka.

Xisbiga KULMIYE  iyo xukumadddiisa waxa kale oo ay hore u fuliyeen balanqaadkii furista Ururda Siyaasada, taasina waxay muujinaysaa in xukuumadda Xibsiga KULMIYE  inay hirgalinayso barnaamijka Xibsiga lagu doortay, waxa kale oo ay muujinaysaa Dimuqraadiyada iyo Talo wadaaga dalka lagu hogaaminayo.

 

Xisbiga KULMIYE waxa uu dadaal ugu jiraa sidii Haweenka iyo dadka la hayb sooco loo xoojin lahaa ka qayb- galkooda Golayaasha Qaranka..

Dhinaca kale,  kaabista Golaha wakiiladu  ku sameeyey Xeer 14/2011, Qodobka 25aad Farqadiisa 3aad ee dhigaysa  …“ Markasta oo la furaayo tartanka Siyaasada ee G/Deegaanka Muddanaha ka tirsan Golaha wakiilada ama Golayaasha Deegaanka waxa u banaan in uu furan karo Urur Siyaasadeed cusub ama uu ku biiri karo Urur/Xisbi Siyaasadeed ee uu doono”

Weedhan kaabida ahi waxay Saamaynaysaa nuxurka Dimuqraadiyadda, habka doorashada iyo Nabadgalyada guud ee dalka.

Habka aynu wax u dooranaa waa “Proportional representation system” Macnuhuna waxay tahay dadku waxay u codeeyaan Xisbinimada, marka Xisbiyadu codka shacabka kala helaan ayey Murashaxiintu Xisbiga gudihiisa ku kala baxaan sida ay u kala cod badan yihiin xisbga dhexdisa. Halkaa waxa ka cad in ay murashaxiintu ku soo baxayaan cod Xisbigu leeyahay, laakiin ma jiro mudanuhu cod uu gaar u leeyahay oo u kusoo baxay.

 

Sidaa daraadeed,  mudanuhu waxa uu golaha ku fadhiyaa codkii Xisbigu keenay oo aanu meelna ula guuri Karin. Isagu xisbiga waa uu ka bixi karaa qof ahaan, laakiin xildhibaanimadi mar walba waxay ku hadhaysaa xisbaiga. .

Kaabidda Golaha ka soo baxday  waa in ay arintaa cadaysaa, si looga hor tago muran siyaasadeed iyo khilaaf dhibaato keena. Hadda sida ay ku soo baxday ma cadda in xildhibaanimadii ku hadhayso xisbiga. Waa in aanu xildhibaanna codkii dadku ay xisbiga siiyeen ula guurin meel kale, taasi xaqdaro ayay ku noqonaysaa codbixiyeyaashii.

Xisbiga Kulmiye wuxuu ku talinayaa in aritaa wada tashi laga yeesho dhinacyada ay khusaysaa inta aanay majaraha sharci dhamaysan.”