Wasaarada Maaliyadda Oo Xawaaladaha Iyo Diyaaradaha Ugu Hanjabtay Inay Albaabada U Xidhi Doonto Haddii Aanay Liisan Goosan

0
604

 

Hargeysa(Geeska)-Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa xawaaladaha iyo shirkadaha diyaaradaha  dalka ugu hanjabtay inay albaabada u xidhi doonto haddii aanay iska bixin cashuurta ruqsadda liisanka ganacsi.

Qoraal wargelin iyo digniin ah oo uu maamulaha degmada 26 June ee waaxda cashuuraha beriga ee wasaaradda maaliyadu Mr. Cabdisalaam Maxamed Maxamuud,  soo saaray 23/10/11 oo uu u kala diray xawaaladaha dalka iyo shirkadaha diyaaradaha, ayaa wuxuu ogaysiin ku siiyay Wasiirka maaliyadda iyo madaxda kale ee wasaaradaas, waxaanu u qabtay inay 24/10/2011 oo shalay ku beegnayd ay samaystaan liisankaas ganacsi. Qoraalkaas loo kala diray shirkadaha diyaaradaha iyo xawaaladaha ayaa sidan u qornaa, “Waxaan dhammaantiin idin ogaysiinaynaa in laga bilaabo beri oo ay taariikhdu tahay 24/10/11, laydinka rabo in shirkad waliba samaysato General Receipt (GR) ay ku bixisay cashuurta ruqsadda liisanka ganacsiga. Haddaba, waxaan idin ogaysiinaynaa in shirkadda berri, Isniinta laga waayo GR-kaas in aanu albaabada u xidhi doono.”

Dhinaca kale ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrikau sheegay inay madaxda xawaaladuhu Axadii shir la yeesheen Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, iyagoo uga dacwooday wasiirka maaliyadda. Sida ay ilahaasi sheegeen waxa ay madaxda xawaaladuhu Madaxweynaha u sheegeen inay baanka dhexe ka goosteen liisankii ganacsiga, sidaas daraadeed aan xaq loogu lahayn liisan labaad. Qiimaha liisankan ayaa lagu sheegay inuu yahay $10,000 (Toban kun oo Dollar) sannadkiiba. Wasaaradda maaliyada ayaa iyaduna ku doodaysa inay waajib tahay inay xawaaladuhu wasaaradda maaliyadda ka goostaan liisan ganacsi maaddaama oo liisanka ay baanka dhexe ka goosteen yahay mid qiimihiisu aad u hooseeyo.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo ka soo baxay kulanka Madaxweynaha iyo madaxda xawaaladaha, haddana waxa la sheegay in Madaxweynuhu masuuliyiintii xawaaladaha u sheegay inuu arki doono wasiirka maaliyadda Md. Maxamed Xaashi Cilmi.