“Ururkan Umadaa Dooratay Samadaa Laga Caleemo Saaray Kibir  Iyo , Cadaalad-Daro  Laguma Joojin Karo”

0
4228

gaboseBurco(Geeska)-Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Umadda Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, oo hadal ka jeediyay isu soo bixii shalay ee uu ururka Umaddu ku soo khatimay ololihiisa doorashada, ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay inay maalinta cod bixinta si weyn isugu soo baxaan.

Dr. Gaboose, oo ka qayb galay isu soo bixii magaalada Burco, oo ay taageerayaasha umaddu si weyn isugu soo baxeen, wuxuu ka hadlay xadhig uu sheegay in lagu hayo qaar ka mid ah murashixiinta ururkiisa, " Waxaan idiin sheegayaa walaalayaal ururka Umadda maanta ayaa ugu danbaysa isusoobaxa ololaha doorashadda ,waxa maanta lagu soo khatimay Toban Sano ka dib ayaa maga urur dib loo furi-doonaa ,waxaad ku talogashaan  maanta in aad albaabkasta garaacdaan oo maalinta codaynta codka ururku is buux-dhaafiyo oo , ururka Umaddu qaato Nambar-ka ugu sareeya codka ururadda " Sidaasi waxa yidhi Guddoomiyaha ururka Umadda Dr Maxamed Cabdi Gaboose, waxaanu intaasi ku daray isagoo hadalkiisa sii wata " Ururka Umaddu waa ururka Nabada waxaanan idinkula dardaarmayaa doorashadu waa in ay nabad-noqotaa ,dad-nimada ilaaliya . ,sharaftiina ilaashada ,Somaliland maanta waa kala fakar doorashadu maalinta ay dhamaatana isku mid ayaynu nahay ama isku hal qof ,dad ma kala nihin ururo ma kala nihin ,doorashadu inta ay socoto oo kaliya ayaynu kula duwanahay.”

Dr. Gabose, oo ka hadlaya xadhiga uu sheegay in murashixiintiisa loo gaystay, wuxuu yidhi “Xadhig yar oo naloo gaystaa waxba noo dhimi-maayo ,dalalka burburay waxa burburiyay cadaalad-daro ,qab iyo kibir iyo jahli ,waana in qofka bil'aadamka ahi gartaa in aanu xoog waxba ku keeni-karin ,doorashooyinka waxa loo sameeyay halka uu shacbigu rabo in ay gaadhaan ,xadhigu waxba ina yeelimaayo ,musharaxii xidhan isagoo xabsiga ku jira ayaynu codka siinaynaa ,isagoo xabsiga ku jira ayaynu maayir ka dhigaynaa ,ururkan waanu hubnaa umadaa dooratay samadaa laga caleemo saaray kibir  iyo , cadaalad-daro  laguma joojinkaro ururkan "

Geesta kale, caasimadda Hargeysa ayay taageerayaasha ururka Umaddu si weyn isugu soo baxeen, waxaana fagaaraha beerta xorriyadda Hargeysa kala hadlay masuuliyiinta urur siiyaasadeedka Umadda.