Caadooyin Ay Leeyihiin Ragga Casrigu Oo Dumarkana Culays Ku Ah, Balse Lagula Taliyey In Ay U Dulqaataan

0
1041

ragaHargeysa (Googooska Geeska)- Dabeecadda iyo caadooyinka aadamuhu waa badweyn ay adag tahay in laga geyoodaa, hal qof ayaa lagu arkayaa dabeecado iyo caadooyin kala jaad ah oo qaarkood laguba tirin karo in ay is diiddan yihiin, marka ay bulshada oo dhan noqotana waa ay ka sii adkaanaysaa. Ragga iyo dumarka ayaa iyagana qaarba dabeecado abuur ah iyo caadooyin u gaar ah ay leeyihiin, laakiin taas macnaheedu ma’aha in aanay jirin dabeecado ay wadaagaan.

Khubarada cilmiga bulshadu waxa ay aaminsan yihiin in ay jiraan caadooyin ay ragga badankoodu ka siman yihiin oo ay marar badan qasab noqonayso in ay gabadhu la qabsato haddii ay danaynayso in uu qoysku sii dhisnaado, caadooyinkaas oo aanay waxba ka beddeli karin haddii ay isku daydo, waxaa ka mid ah afar aynu qormadeenan maanta ku soo bandhigayno:

1. Khuurada: Rag badan ayaa leh caado ah in marka ay seexdaan ay khuuriyaan, waa caado aanay meel uga bannaanayn in laga wada hadlo iyo in ninka lagu qasbo in uu joojiyo, waxaa muhiim ah in gabadhu haddii ay ninkeeda ku aragto caadadan ay nafta u sheegto in ay tahay caado abadiya ah oo aanay waxba ka beddeli karin sidaa awgeed ay qasab tahay in ay u dul qaadato iyo in ay la qabsato. Waxaana hubaal ah in ay mustaqbalka la qabsan doonto.

2.  Illowga taariikhaha: Dumarku inta badan ma illaabaan taariikhaha muhimka ah ee soo mara, tusaale ahaan dhalashada ilmaha curad iyo taariikhda dhalashadeeda ama dhalashada carruurteeda kale, inta badan gabadhu waxa ay jeceshay in la qaddariyo taariikhaha ay muhimka u aragto. Laakiin ninku qaddarin iyo qaddarin la’aan inta aanu gaadhinba waxaa ku adag in uu xasuusto taariikhdaasi muhiimad kasta oo ay u leedahay. Waxaa gabadha lagula talinayaa in illowga taariikhaha ee ninka ay u fahamto in uu yahay illow aan ula kac ahayn, sidaa awgeed aanay ceeb u arag in ay xasuusiso taariikhahaas, taas oo ah habka keliya ee ay ku kala garanayso in uu illaabay iyo in uu is illowsiinayey.

3. Jacaylka Siyaasadda iyo ciyaaraha: Tirada ugu badan ee ragga wax ka akhrida ama faallaysaa waxa ay ka sheekeeyaan ama lafo-guraan arrimaha siyaasadda, inta soo hadhayna waxaa la raaciyey ciyaaraha iyo in ay laabtooda u furaan wararka ciyaaraha kala duwan ee dunida ka socda, qaarkood ayaabay ka noqotay balwad oo aan la’aan karin warka ciyaaraha. Nasiib darro ciyaaraha iyo wararka siyaasaddu waa shayga ugu dambeeya ee ay dhegaha u furi karaan inta badan ee dumarku, haddii talefishanka la daawanayo waxa ay jecel yihiin filimada, iyo barnaamijyada qoyska iwm. Sidoo kale saacadaha uu ninku guriga joogo waxa ay jeceshay in uu iyada u sheekeeyo ama filimada la daawado halka laga yaabo in isagu uu ka xiisaynayo daawashada akhbaarta iyo akhriska war-sideyaasha kala duwan. Waxaa fiican in gabadhu aanay caadadan u arag mid uu iyada ninku isku diidsiinayo balse ay u fahamto in uu yahay dhaqan abuur ah oo ay la qabsato wixii ay ka beddeli kartana si tartiib ah waqtiga ula kaashato iyada oo aan cadho iyo isku abuurin dareen shaki.

Gooska Gooska Geeska Afrika