“Somaliland Waxa Casuumay Labada Dhinac Ee Shirka Qabtay [Ingiriiska Iyo Somaliya], Waanuse Ka Murugaysanahay Inay Awoodi Weyday Inay Ka Qayb Gasho”

0
3919

 

Picture5Hargeysa(Geeska)-Danjiraha dawladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Matt Maugh, oo uu fadhigiisu yahay magaalada Nayrobi ee wadanka Kenya, ayaa shalay ka jawaabay su’aalo laga weydiiyay shirka uu dalkiisu Somalida u qabanayo toddobaadka soo socda iyo arrimo Somaliland la xidhiidha.

Dajire Matt, oo duhurnimadii shalay ay dadweynuhu si toos ah su’aalo uga weydiinayeen barta uu twitterka ku leeyahay, ayaa su’aalaha la weydiiyay waxa ka mid ahayd inuu xidhiidh ka dhexeeyo safarka uu Madaxweyne Siilaanyo ugu noqday dalka Ingiriiska iyo ka qayb galkiisa shirkaas oo uu hore u qaadacay, waxaanu kaga jawaabay,  “Somaliland waa la martiqaaday. Waanuse ka murugaysanahay inay awoodi weyday inay ka qayb gasho.”

Mid ka mid ah dadkii su’aalaha weydiinayay ayaa danjiraha su’aalay in mustaqbalka dalkii la isku odhan jiray Somaliya wixii ka horeeyay sagaashankii loo qaybin doono nidaamka loo yaqaan Co-federal states, waxaanu su’aashaas kaga jawaabay “Waa su’aal u taala Somalida ee uma taalo Ingiriiska. Laakiin waxa loo baahanyahay in hirgelyo distoor habaysan.”

Mid ka mid ah dadkii su’aalaha weydiinayay, ayaa danjiraha weydiiyay su’aal nuxurkeedu ahaa bal inay dawladda Ingiriisku shirkaas ku casuuntay kooxaha Somaliland diidka ah ee la baxay Khaatumo, Awdal State iyo wixii la halmaala, waxaanu si cad u yidhi danjiruhu, “Somalialnd waxa casuumay labada dhinac ee shirka qabtay [Ingiriiska iyo Somaliya]. Xubnaha ay ka koobnaan doonaan weftiga Somaliduna, Somalida ayaa go’aansan doonta.”

Su’aalaha khuseeya Somaliland ee danjiraha la su’aalay balse uu u muuqday inuu iska dhego mariyay, waxa ka mid ahaa bal in qaadacadda Somaliland ee shirka Ingiriisku ay wax u dhimi  karto xidhiidhka taariikhdeed ee ka dhexeeya labada dal. Waxaanu danjire Matt Baugh u muuqday nin ka gaabsanaya inuu ka jawaabo su’aalaha Somaliland iyo shirkan Ingiriiska la xidhiidha.

Danjire Matt Baugh, waxa la weydiiyay in maamul goboleedka Puntland lagu casuumay shirkaas Ingiriiska ka furmaya toddobaadka dambe, waxaanu yidhi, “Haa, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo casuumay Puntland.”

Dawladda Ereteriya malagu martiqaaday shirkaas London, ayaa la weydiiyay danjire Matt Baugh, waxaanu kaga jawaabay, “Ereteriya lama soo martiqaadin.”

Sida laga warqabo xoghayaha qaramada midoobay wuxuu Axadii magacaabay danjire Ingiriis ah oo bedeli doona danjire Augutine Mahiga. Sidaas darteed waxa safiirka Mr. Matt la weydiiyay in masuulkani sii xoojin karo xidhiidhka Somaliya iyo Ingiriiska, waxaanu yidhi, “Waxaan u malaynayaa inuu caawin doono. Waa calaamad muujinaysa sida ay nooga go’antahay hirgelinta degenaanshaha Somaliya.”

Mar la weydiiyay sababta loo baahin waayay magacayda guddiyada farsamo ee wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, wuxuu danjiruhu “Waa qodob wanaagsan. Waxaan kuu soo jeedinayaa in  lala soo hadal qaado maamuladaa.”

Danjire Matt Baugh, waxa la weydiiyay su’aalo badan, waxaana su’aalaha lagu celceliyay ka mid ahay inuu sheego tirada ciidamada Ingiriiska  ka jooga Somaliya, waxase uu sheegay oo uu ku celceliyay inaanay ciidamo ka joogin, Ingiriiska, Somaliya, balse ay joogaan xubno tababaro bixiyaa.