Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay Maxsuulka Safarkiisa Xidhiidhsan, Turkey, Maraykan Iyo Ingiriis

1
469

 

Picture4Hargeysa(Geeska)- Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, oo markii ugu horaysay si toosa uga hadlay safarka uu ku maraayay dalalka Turkiga,Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee ay ka gaadheen ay tahay in dunidu ogaato inay Somaliland ay dadkeedii maamushaan oo ay go’aansadeen inay gooni isku taagaan.

Sida oo kale madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay inay Somaliya iyo dunidaba ay doonayaan inay ka dhaadhaciyeen qadiyada Somaliland, waxaanu sheegay in wada hadaladaasi ay wakhti qaadan doonaan.

Waxa uu sidan ka sheegay madaxweyne Axmed Siilaanyo mar uu la hadlaayay qurba joogta reer Somaliland ee dalka Maraykanka, waxaanu isaga oo arintaas ka hadlaaya uu hadalkiisa ku bilaabay “ Waxaanu la kulanay haay’adaha kala duwan ee Maraykanka oo heer wasiiro leh,Koongarays  iyo haay’ado amaanka qaabilsan iyo kuwo dimuqraadiyada qaabilsan, waxaanu intaas aanu la kulmaynay iyo dawladii aanu maraynayba aanu ka dhaadhicinaynay qadiyada Somaliland iyo gooni isku taageena iyo taariikhdii ay u soo martay.”

Wuxuu madaxweynuhu yidhi  “ Su’aashu haday tahay maxaad ka gaadhay waxa la yidhi ninbaa hashiisii waraabe ka kaxaystay waa uu ka daba tagay oo waa uu eryaday waxaana lagu yidhi waar ma soo dhicisay hashii ( Mayee waa uu ogyahay hasha cida iska leh ) maan soo dhacin hashii laakiin waa uu ogyahay cidii lahayd, markaas runtii maanta anaguna ictiraaf umaanu helin Somalilnd halkaanu wax marinayno iyo halka aanu isla joogno cid ay maanta ka qorsoontahay ma jirto go’aanka ka muuqada dadka iyo dawlada Somaliland inay geed dheer iyo mid gaabanba u fuulayso, dawlado badan ayaanu soo marnay waxaanu aad iyo aad u muujinay halganka dheer ee ay umadda reer Somaliland u soo gashay madaxbanaanideeda  iyo sida ay ugu adagtahay inay ilaashato qarnimadeeda  iyada oo marnba xumaan iyo colaad aan cidnaba u ahayn.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu raaciyay  “ Somaliland iyo Somaliya wada hadalka ka dhaxeeya ee moolo badan oo dunida ka mid ah laga soo qabtay waxa weeye mid mudan socon doona anagu mar walba waxaanu diyaar u nahay in aanu galno wada hadal dan iyo maslaxadii ay ku jirto oo aanu la hadalno Somaliya qadiyada Somalilandna ka dhaadhacino iyada dunidaba, iyada oo ah gar culus.”

Comments are closed.