Xaaji Cabdi-Waraabe Oo Madaxweyne Siilaanyo Ugu Baaqay Inuu Dulqaad U Yeesho Dhaliilaha Shacabkiisa Iyo Farriinta Uu Saylic U Diray

0
605

 

XAAJI CABDIHargaysa( Geeska )- Odayga ruug-cadaaga ah ee Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi-waraabe), ayaa talooyin wax ku ool ah u soo jeediyay madaxweyne Axmed Siilaanyo, golahiisa wasiirada, madaxweyne ku xigeenka  iyo shacbi weynaha Somaliland.

 

 Xaaji Cabdikariin waxa uu madaxweyne Axmed Siilaanyo kula dardaarmay inuu umadda dhaliishooda dulqaad u yeesho, waxaanu sida oo kale golaha wasiirada xukuumada  uu u soo jeediyay inay joojiyaan xintanka iyo shirarka galinka hore qarankana ay xafiisyada u fadhiyaan si ay ugu shaqeeyaan.

Waxaanu ugu danbayntii shacbi weynaha reer Somaliland ugu baaqay in wakhtigan loo baahan yahay In dadku bilays ay wada noqdaan ayna isku taagaan sidii si wada jir ah loogu ilaalin lahaa qarnimada Somaliland.

 Xaaji Cabdikariin waxa uu sidan ku sheegay mar uu shalay ka hadlaayay xaflad la sheegay in loo qabtay qiimaynta qofka fiican, waxaanu ugu horayntii isaga oo madaxweynaha la hadlaaya uu yidhi “ Madaxweynaha waxaan ku dardaarayaa madaxweyne umadda intaas leeg ku wada amaani mayso ee dul lahaw, dul lahaw, gacan  laguula iman maayo ee afka u dul lahaaw, sidaas ayaad meeqaam ku gaadhaysaa, daacadna ogaw, nin yar ma tahid goor aan goor ahayna waa ay kugu qaylin marxalad wanaagsan ayaynu maraynaa, haddana cadawgu hoos ayuu inoo eegayaa.madaxweynaha waxaan ku dhaafayaa waxaan ku qaban qaado, waxaan ku qaban qaado, ninkii madaxweynaha ka cabanayoow dariiqeeda soo mar oo waxaas iga daa ku dheh.”

Xaaji Cabdikariim, waxa kale oo uu ka hadlay khilaafka ka dhex jira Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, waxaanu yidhi “madaxweyne ku xigeenku inuu cawdaa waa daw laakiin inuu abaabulo buuq iyo gar qaad iyo qaylo sidaas may ahaan jirin, waa inuu hoos u cawdaa oo uu yidhaahdaa waxaas halayga daayo oo hadduu madaxweynaha kala xishoodo rag ku odhan kara u yeedhaa. gobanimada micnaheeda aan fahano, nabadgalaydana aan ilaashano.”

Xaajigu, isagoo la hadlaya golaha wasiirada wuxuu yidhi  “Wasiiradu hays jeclaadeen oo yaanay xintamin, galinka horena yaanay shirin ee shaqada haw fadhiyeen, ninba sida uu u shaqeeyo hala ilaaliyo, naf waliba Jamhuuriyadaas xafiiskii tag ayay ku seexanaysaa ninku hadduu wasiirkii xafiiska ugu yimaado oo aanu albaabka ka xidhan hadduu dantiisii ka helo waa dahab haduu ka waayana bari ayuu shaqo kale doonanayaa oo waa uu qancayaa ee wasiiradu yaanay galinka hore shirin. Waxaan ku dardaarayaa canaan kale malahidine shirka galinka hore aad xafiiska madaxweynaha tagaysaan ama kiina ku shiraysaan gooya ilaa laba iyo tobanka yaanu shir dhacin, haddaan masiibo adag iman oo madaxweynuu idin dalban xafiisaydiina jooga oo dadka u shaqeeya.”

Ugu dambayn wuxuu Xaaji Cabdi, yidhi  “Nabadgalyadu waa nolasheena hadda dhanka shishe ee lagu tabaaloobay ee lagu dhintay dalka ee Somaliya hadda waa ay dhawdhawdahay hugunka iyo haraatida ina soo gaadhaysa qof waliba waa inuu halkiisa uga feejignaadaa,Jamuuriyada Somaliland inay bilays noqoto weeye madax iyo minjo, rag iyo dumar inaan bilays noqono ayaynu sharafka,wanaaga iyo dawladnimada ku gaadhaynaa oo aan bilayska lagu halayn shaqada waayo meel walba ma taagna ee dumarka ayaa meel walba taagan oo aqal walba jooga, dhalinyaradaa suuqa joogta, odayaasha warka helaaya, arbeekooyinka ayaa warka helaaya, ninka fidnaysani aqalka uu kiraysanaayo lacag badan ayuu ku dhawaaqayaa kaasna waa uu gubayaa kuwa kalena waa uu gubayaa, Somaliland waa inay bilays wada noqotaa, oo isku soo dhawaanaa oo kal gacal beernaa.”