“Qofka u shaxaad tegay Soomaaliya dadka ma metelo, haduu yidhaahdana waa dembiile khiyaamo qaran galay…….”

2
4334

dheereHargeysa, (Geeska)- Mudane, Cabdiraxmaan Cismaan Caalin, oo ah, gudoomiyaha guddida dastuurka, Cadaaladda, Shuruucda iyo Xuquuqal-insaanka, ee golaha wakiilada ayaa cadeeyey in qof kastoo ka qeybgala shirarka Soomaalida isagoo aanay  xukuumadu u igman yahay dembiile khiyaamo qaran galay, ka qeybgalka shirarkaana xukuumada keliya awood u leedahay.

Cabdiraxmaan Cismaan Caalin ayaa sheegay in kulankii gudoomiyaha UCID, Eng, Faysal Cali waraabe la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shiriif ahaa mid shaqsi ah oo aanu xukuumada Somaliland ku metelayn siduu isaguba cadeeyey, laakiin qofkii shir Soomaalida ka qeybgala isagoo ku metelaya dadkeeda uu yahay dembiile qaran.

Gudoomiyaha guddida dastuurka, Shuruucda, ee golaha wakiilada oo wareysi gaar ah wargeyska Geeska kaga weydiiyey dhinacyo kala duwan ayaa sheegay in la weydiiyo cidii ku shaqo lahayd sababta doorashadii golayaasha deegaamadu dib ugu dhaceen, jawaabahii uu ka bixiyeyna waxay u dhaceen sidan:

Muddo bilo ka hor waxay fadhi wadajir ah labada gole baarlamaan (Wakiilada & Guurtidu) wax-ka bedel ku sameeyeen xeer hore oo mamnuucayey tegitaanka iyo ka qeybgalka shirarka Soomaalida, maxuu ahaa nuxurkii wax-ka-bedelkaasi?

J: Xeerkaasi waxuu hore u dhigayey in muwaadin kastoo Somaliland u dhashay aanu ka qeybgeli Karin shir kastoo Soomaaliyeed meel uu ka dhacayo, haduu ka qeybgalana uu denbigiisu yahay khiyaamo qaran (High Treason), wax-ka-bedelkii lagu sameeyeyna waxuu ahaa, xukuumadu way ka qeybgeli kartaa shir kastoo dani ugu jirto dalka Somaliland, laakiin, waxa dabar u ahaa inaanu ka horimanayn mabaa’diida guud ee jiritaanka Somaliland. Awel xeerku shaqsi walba wuu khusaynayey, waxaase la ogolaaday xukuumada keliya.

S: Dad badan ayaa u fahmay wax-ka-bedelkaa in dabarkii ka qeybgalka shirarka Soomaalidu meesha ka baxday, Ma dhabaa?, hadaanu ahayn, ma jiraan qodobo qeexaya denbiyada qofkii jebiya?

J:  Qofka tegaya qiimaha uu ku leeyahay Somaliland waa maxay, yuu metelaa, Somaliland ma metelo, Somaliland waxa metesha xukuumadiis aiyo golayaashiisa qaran. Qofkii tegay haduu ku metelo Somaliland denbiile qaran ayuu noqonayaa, qofkase isagu dan uu leeyahay isaga taga kama hadlayo xeerku.

S: Waxa jira Salaadiin reer Somaliland ah oo la sheegay inay tageen shirka lagu ansixinayo dastuurka Soomaaliya, miyaan la odhan Karin nimankaasi waxay shirkaa ka qeybgelayaan iyagoo Somaliland shacabkeeda metelaya, isla markaana aanu qabanayn xeerkii hore u jiray ee mamnuucayey ka qeybgalka shirarka Soomaalida, oo xukuumada keliya u fasaxayey?

J: Dee, anigu nin iska shaxaad tegay anigu kama hadlayo, laakiin nin Somaliland magaceeda ku tegay haduu jiro waa denbiile. Haduu yidhaahdo Somaliland  baan wakiil ka ahay ama dadkeed ayaan wakiil ka ahay waa denbiile khiyaamo qaran galay, xukuumada iyo cidii ay u dirato ayaa dadka ka wakiil noqon kara. Qofka iska shaxaad tegay, adeer dadka ma metelo, haduu yidhaahdo waan metelaana waa denbiile qaran.

S: Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, dhowaan waxuu sheegay in xukuumada keliya sharciyan u leedahay ka qeybgalka shirarka Soomaalida,  halka hadalkiisa maalmo ka hor Gudoomiyaha UCID kulan la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif, sharci ma u lahaa Faysal C. waraabe?

J: Maalitii uu soo laabtay Gudoomiyaha UCID, Faysal Cali waraabe, waxuu sheegay inuu ahaa kulan shaqsi ah, oo aanu ku metelin Somaliland baan ula kulmay ayuu yidhi, waayo aqoon bay isku lahaan karaan, isagaa (Faysal) cadeeyey inuu si shaqsi ah ula kulmay oo aanu ku metelayn Somaliland.

S: Golaha wakiilada waxa jira mudenayaal muddo dheer ka maqnaa golaha, welina gunooyinkoodii iyo mushaharkoodii u socdo, sharciyan, muddo intee le’eg ayuu golaha ka maqnaan karaa, yaase iska leh awooda la-xisaabtankooda?

J: Sida xeerku sheegayo dastuuriyan, mudanuhu waxuu ku waayi karaa xilkiisa marka uu labaatan fadhi oo isku xiga ka maqnaado golaha, laakiin iyagoo 15 fadhi maqan ayey qaarkood yimaadaan, laakiin labaatanka fadhi waa inay isku xigaan sida sharcigu dhigayo, labaatan kala gooni ah looma tirinayo, la xisaabtankoodana guddida joogtada ayaa ka masuul ah.

S: Dad badan ayaa werwer ka qaba sida ay ku suurtoobayso doorashooyinka deegaanada ee codayta shaqsiga ah, hadii daneeyayaashu isla qaataan in sidii hore loo galo, ma loo baahanayaa ansixinta golaha wakiilada?

J: Sharci baynu leenahay oo isagaa inna hagaya, hadii sharciga la jebinayo oo la dulmarayo waa halkiisa, cida dulmaraysa ee sharciga jebinaysana iyadday u taalaa oo waa la arki doonaa. Berrigii hore waxa lagu galay habka liiska, dad badan, xisbiyadii waxay u arkeen inaanay dantooda ugu jirin, oo dadkii doortay aanay la xisaabtami Karin, sidoo kalena xisbiyadii aanay la xisaabtami Karin. Madaxweynahu haduu xeer soo celinayo keliya waxii qeyr-dastuuri ah ayuu soo celin karaa, iskama soo celin karo oo ma odhan karo sidan ayey komishanku jeclaadeen, uma arko doorashada liiska in dadka dan ugu jirto, waxaan maqlay in habka doorashada shaqsigu lacag badan tahay, laakiin komiishanku waa inay ka doonaan qaadhaan-bixiyeyaasha, oo hadii laga waayo xitaa ay xukuumadeenu bixiso dhaqaalahii ku baxayey.

S: Xilligii loo kordhiyey golayaasha deegaamadu wuu dhamaaday, iyagoo weli doorashadoodii wakhtigeedii aan la cayimin, xilligana sharci daro ayey ku fadhiyaan, yaa iska leh eedeeda ayaad filaysaa?

J: Wakhtigii hore goleyaashu ugu cayimeen wuu ka dhamaaday goleyaasha  deegaanka, sababta ay u dhici weyday cidii ku shaqada lahayd ayaa la weydiinayaa, ma xukuumada ayey ku riixi doonaan, ma cid kale, annaga (wakiilada) waxii sharci nagu xidhnaa waanu u dhamaynay, laakiin, waxa immika muhiim ah inaanay saamayn ku yeelan doorashooyinka kale dib iyaguna u dhicin, cid kastaba eedeeda ha yeelatee in qorshe danbe la galo wakhtiga ugu haboon ee ay dhici karaan. Komiishanka doorashooyinka aya hawsha gacanta ku hayee waa inay wakhtiga ay suurtoobi karaan u soo gudbiyaan Madaxweynaha, ka dibna, Madaxweynahu u soo gudbiyaa golaha Guurtida. Ilaa waxii ka danbeeyey shantii sannadood ee la doortay golayaasha deegaanku waxay ahaayeen qayru-sharci, laakiin waxba ma soo kordhinayso haddaynu nidhaahno sharci daro ayey ku fadhiyaan, sababta ay dib ugu dhaceen waa la isweydiin doonaa eedeeda cida yeelata, balse , waa in arrinkaa dib loo qorsheeyo oo xilliga ay ku qaban karaan komiishanka doorashooyinku soo gudbiyaan.

Comments are closed.