Dawladda Denmark Oo Sheegtay Inay Isha Ku Hayso Somalilad, Daboolkana Ka Qaaday Wakhtiga Ay Xafiis Rasmi Ah Ka Furanayso Caasimada Hargeysa

0
660

da-lgflagCopenhagen(Geeska)-Dawladda Denmarka ayaa sheegtay inay si weyn isha ugu hayso xaaladaha kala duwan ee Somaliland, waxaanay sheegtay inay kor u qaadayso xidhiidhka ay la leedahay dalkan.

 

Wasiirka horumarinta iyo isku duwida deeqaha caalamiga ah ee Denmark Mr. Christian Friis Bach, oo 16 May ka qayb galay kulan ay dawladda Denmark magaalada Copenhagen ee dalkaas kula yeelatay jaaliyadda Somalida, ayaa waxa wasiirka la weydiiyay su’aal ku saabsanayd arrimaha Somaliland, waxaanu sheegay inay dawladoodu si wanaagsan isha ugu hayso xaaladda Somaliland, isagoo sheegay in talaabada ugu horaysa ee ay qaadayaan tahay inay xafiis ka furtaan magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Wasiirka oo mar kale  la weydiiyay halka ay hawsha xafiiskaasi marayso, wuxuu ku jawaabay inay hadda heleen masuulkii xafiiskaas madaxda ka noqon lahaa, dhawaana ay raacin doonaan masuul kale oo kaalmeeya, waxaanu si cad u sheegay inuu ku rajo weynyahay inay dawladda Denmark xafiiskaas si rasmi ah u furto bisha Jully ee sannadkan. “Hadda ayaanu helnay qofkii xafiiskaas madax ka noqon lahaa, waxaanan dhawaan raacin doonaa qof kaalmeeya.” Ayuu yidhi wasiirku.

 

Wasiir Christian Bach, ayaa wuxuu socdaal ku yimid magaalada Hargeysa dabayaaqadii bishii January ee sannadkan, isagoo la kulmay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaanu xilligaas ku dhawaaqay inay dawladiisu xafiis ka furan doonto magaalada Hargeysa.

Wasiirada Denmark oo uu la socday xoghayaha guud ee hay’adda DRC ee laga leeyahay dalka Denmark, waxa ay Somalida uga warameen inay dawladda Denmark diyaar u tahay ka qayb qaadato dedaalada loogu jiro in nabad lagu soo dabaalo dalka Somaliya.